Xumuumadda oo Raashin ka Qaybisay 42 Tuulo oo ka Tirsan Maroodijeex

0
140

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Maamulka Gobolka Maroodijeex iyo Dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa Kaalmo raashin ah gaadhsiiyay 42 Tuulo oo ka tirsan Gobolka Maroodi-Jeex, si loo taageero qoysaska ay saameeyeen xaaladaha abaarta, iyadoo raashinka la qaybiyey uu isugu jiro bariis, saliid iyo timir, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobalka Maroodi-Jeex Axmed Maxamed Cadaad.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex, Axmed Maxamed Cadaad, ayaa shaaciyey in kaalmadan raashinka ah ee la gaadhsiiyay afar iyo labaatanka tuulo ee ka tirsan gobolka Maroodi-jeex ay tahay deeq ka timid Hay’adda Ka-hortagga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka, taas oo lagu wareejiyey odayaasha iyo masuuliyiinta deegaannada si ay u gaadhsiiyaan qoysayska abaaruhu saameeyeen.

Mudane Axmed Maxamed Cadaad, Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo hadal kooban ka jeediyay munaasibaddii kaalmadan raashinka ah lagu wareejinayay odayaasha deennadannada deeqdan la gaadhsiiyay ayaa yidhi “Waxa aanu kaalmo raashin ah u qaybinaynaa 42 tuulo oo ka tirsan Gobolka Maroodijeex, kaalmadaas oo aanu ka helnay hay’adda ka hortaga aafooyinka iyo Kaydka raashinka, waxaanan qaybinta raashinkan aanu iska kaashanay dawlada hoose ee Hargeysa, annaga oo ku wareejinayna odayaashii deegaanada, guddoomiyeyaashii iyo haydh-tuuleyaashii. Raashinkani waxa uu ka kooban yahay 1000 gadbadood oo bariis ah oo min 25 km ah, 1980 tanag oo timira ah iyo saliid 500 oo caagadood ah”.

Dhinaca kale odayaashii deegaanadan gargaarka la gaadhsiiyay, guddoomiyeyaasha iyo haydh-tuuleyaasha 42-ka tuulo ee kaalmadan guddoomay ayaa xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqay kaalmada raashinka ah ee la soo gaadhsiiyay. Waxaanay sheegeen inay masuuliyad iska saari doonaan sidii ay raashinka u gaadhsiin lahayeen dadka abaaraysan.