Rasmi: Rodrygo Oo Seegaya Koobka Adduunka Iyo Inta Ka Hartay Xilli Ciyaareedka

0
115

Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in weeraryahankeeda Rodrygo uu qabo dhaawac halis ah oo jilibka ah kadib baaritaanno loogu sameeyay xarunta caafimaadka ee kooxda.

War-saxaafadeedka kooxda ayaa lagu yidhi:

“Kadib baaritaanno maanta lagu sameeyay ciyaaryahankeena Rodrygo oo ay sameeyeen dhaqaatiirta Caafimaadka Real Madrid, waxaa lagu ogaaday dillaac ku yimid seedda hore ee jilibka.”

Xiddiga reer Brazil ayaa dhaawacan  wuxuu soo gaadhay kulankii ay Real 1-0 kaga adkaatay Getafe CF, isagoo beddel kusoo galay islamarkaana ciyaaray qiyaastii 30 daqiiqo inkastoo uu qabay dhaawacaas.

Rodrygo wuxuu u baahan doonaa qalliin iyo waqti dheer oo soo kabasho ah si loo daaweeyo dhaawacan. Wararka ayaa sheegaya in mudada soo kabashadu gaadhi karto ilaa 10 bilood, taasoo ka dhigan inuu maqnaan doono ilaa horraanta 2027.

Maqnaanshihiisa waa dharbaaxo weyn oo ku dhacday weerarka Real Madrid, oo horey ula tacaalayay dhaawacyo iyo ganaaxyo. Sidoo kale, wuxuu seegi doonaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan iyo Koobka Adduunka ee xulka Brazil.

Kooxda ayaa hadda diiradda saari doonta taageeridda soo kabashadiisa iyadoo wajahaysa jadwal adag oo La Liga iyo Champions League ah.