Maxaa Dhici Kara Haddii Iiraan Ka Baxdo Koobka Adduunka 2026?

0
84

Su’aalo badan ayaa ka taagan ka qaybgalka xulka qaranka Iran ee 2026 FIFA World Cup, iyadoo la eegayo xaaladda siyaasadeed ee cakiran iyo suurtagalnimada inay ka baxaan tartanka ka hor inta aannu bilaaban.

Si ka duwan wararka qaar, FIFA si toos ah looguma khasbi karo inay ku beddesho Iiraan kooxdii laga adkaaday kulamada play-off-ka bishii Maarso. Xeerarka tartanka ayaa siinaya FIFA awood ballaaran oo ay ku dooran karto xalka ugu habboon, oo ay ku jirto in saddex koox ku tartamaan booska keliya haddii ka bixitaanku dhaco waqti dhow oo aan ka fogeyn bilowga tartanka.

Illaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay FIFA ama xidhiidhka kubadda cagta Iiraan oo xaqiijinaya qorshe ka bixitaan. Qodobka 6-aad ee xeerarka tartanka ayaa siinaya FIFA awood ay ku qaaddo tallaabo kasta oo ku habboon, ha ahaato in koox kale lagu beddelo ama qaabka guruubyada wax laga beddelo.

Go’aanka ugu weyn wuxuu ku xirnaan doonaa waqtiga lagu dhawaaqo ka bixitaanka. Haddii arrintu dhacdo ka hor play-off-ka Maarso, beddelidda Iiraan way fududaan kartaa. Laakiin haddii go’aanku yimaado toddobaadyo yar ka hor 11-ka Juun; maalinta furitaanka, waxaa adkaan kara in la helo koox cusub sababo la xidhiidha fiisooyin, hoy, safar iyo qorsheyn, gaar ahaan iyadoo tartankan uu ka koobnaan doono 48 xul.

Dhanka dhaqaalaha, FIFA ma jecla in la baajiyo kulamo ka tirsan koobka adduunka, sababo la xidhiidha khasaaro dhaqaale iyo xuquuqda baahinta. Si kastaba, maareynta xaalad noocaas ah waxay noqon doontaa caqabad maamul oo weyn haddii arrintu gaadho ka bixitaan rasmi ah.