Boorame (Dawan) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Mukhtaar Xaaji Muuse Faarax, ayaa kormeer shaqo ku tegay mashaariicda biyo-ballaadhinta ee ka socda magaalada Boorama, oo ka mid ah dadaallada istaraatiijiga ah ee xukuumaddu ku horumarinayo adeegyada biyaha ee bulshada gobolka Awdal. Mashaariicdan ayaa ujeeddadoodu tahay in la kordhiyo helitaanka biyo nadiif ah oo ku filan, taas oo si toos ah u taabanaysa nolosha iyo caafimaadka shacabka.
Dadaallada socda waxay muujinayaan muhiimadda ay Xukuumaddu siinayso kaabeyaasha nolosha aasaasiga ah, gaar ahaan biyaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka bulshada iyo koboca magaalooyinka. Korodhka iyo ballaadhinta nidaamka biyaha Boorama ayaa sidoo kale kaalin weyn ka qaadanaya yareynta baahida iyo adkeynta adeegyada joogtada ah.
Hirgelinta mashaariicdani waxay ku timaamayaan iskaashi u dhexeeya xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Shacabka gobollada dalka iyo guud ahaan hay’adaha dowladda ee la xidhiidha adeegyada biyaha, taas oo horseedaysa dardargelin iyo hufnaan shaqo. Tani waxay kor u qaadaysaa kalsoonida shacabka iyo tayada adeegyada dawliga ah la gaadhsiiyo guud ahaan shacabka Somaliland.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Mukhtaar Xaaji Muuse Faarax, intii uu ku gudo jiray kormeerkiisa mashruucan horumarineed waxa uu kulan La qaatay madaxda shirkada adeega biyaha Boorama ee Shaaba iyo isuduwaha wasaarada Horumarinta khayraadka biyaha ee gobolka Awdal. Ugu dambayn, mashaariicda biyo-ballaadhinta Boorama waxay astaan u yihiin jihada horumarineed ee gobolka, iyagoo muujinaya in mudnaanta la siinayo baahiyaha aas-aasiga ah ee bulshada, isla markaana la dhisayo mustaqbal adeegyo biyo oo waara oo lagu kalsoonaan karo.




















