Iskaashi Cusub: Ganacsatada JSL iyo Isra’il oo Kulay ku Yeeshay Addis Ababa!!!

0
71

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Shirka ganacsiga ee magaalada Addis Ababa ku dhex maray ganacsatada Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhiggooda Israel waxa uu ahaa kulan taariikhi ah oo ka ballaadhan kulan dhaqaale oo keliya, isla markaana xambaarsanaa fariimo siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo kuwo istiraatiiji ah oo si weyn u soo jiitay indhaha gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Dhanka kale, shirkan muhiimka ah ee ka dhacay Addis Ababa wuxuu calaamad u yahay jihada cusub ee diblomaasiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland. Waxa uu si cad u muujiyay in Somaliland ay si kalsooni leh ugu tallaabsanayso siyaasad iyo nidaam diblomaasiyadeed oo xeel dheer, kuna dhisan dano dhaqaale, iskaashi caalami ah, iyo xoojinta doorkeeda gobolka ee isbeddellada cusub ee juqraafi-siyaasadeed ee dunida maanta.

Sidoo kale, kulankan oo uu soo agaasimay Safiirka Somaliland ee Israa’iil, Dr. Maxamed Xaaji, wuxuu iftiimiyay sida ay Somaliland u doonayso inay albaabada u furto iskaashi ku dhisan dano dhaqaale, tiknoolajiyad, iyo maalgashi waara. Ka qaybgalka masuuliyiin heer sare ah oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdinaasir Axmed Xirsi, iyo madax kale oo hay’adaha dhaqaale, wuxuu muujinayaa in xukuumaddu dedaal badan gelisay qorsheyaasha istiraatiiji ah ee horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Dhanka kale, joogitaanka diblomaasiyiinta Israa’iil iyo ka qaybgalka Safiirka dawladda Israa’iil u soo magacawday Jamhuuriyadda Somaliland oo hab fogaan-arag ah kaga qayb galay shirkan, waa tallaabo diblumaasiyadeed oo xambaarsan fariin siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo cad: in labada dhinac ay danaynayaan dhisidda xidhiidh qoto dheer iyo iskaashi xoogan oo ku salaysan mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Waxa ugu muhiimsan ee shirka laga dheehan karay ayaa ah in Xukuumadda Somaliland ay si weyn diirrada u saarayso qorshayaal cad cad iyo nidaam siyaasadeed oo qaranka Somalialnd si toos ah ugu dhisanayo shuraakooyin dhaqaale iyo kuwo istiraatiiji ah. Qaybaha laga wada hadlay sida beeraha, tamarta, caafimaadka, tiknoolajiyadda, iyo nidaamyada maaliyadeed, dhammaantood waa tiirarka ay quruumaha casriga ahi ku dhistaan awooddooda dhaqaale iyo saamayntooda gobolka.