Qore Sacad Xarbi
Hargeysa (Dawan) Safiirka dawladda Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, Allen Chenhwa Lou, ayaa rejo fiican ka muujiyay dedaalada siyaasadeed ee ku saabsan horumarinta iskaashiga diblomaasiyadeed ee saddex geesood ah ee u dhexeeya dawladaha Taiwan, Boqortooyada Midowday (UK), iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Danjire Allen Chenhwa Lou ayaa sheegay in uu kulan muhiim ah la qaatay Lord Ashcroft oo ah guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Xisbiga Conservative-ka ee Boqortooyada Midowday (UK), isla markaana ah ganacsade caalami ah, kaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland, kulankan oo ka dhacay xafiiska Danjire Allen ee Hargeya ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Taiwan, Boqortooyada Midowday (UK), iyo Somaliland.
“Farxad ayay ii ahayd inaan la kulamo Lord Ashcroft oo nagu soo booqday xafiiska safaradda Taiwan ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan rajaynaynaa in la sii xoojiyo iskaashiga saddex-geesood ah oo u dhexeeya Taiwan, UK iyo Somaliland, gaar ahaan meelaha istaraatiijiga ah iyo danaha ay wadaagaan saddexda qaran iyo fursadaha horumarineed, si loo dhiso iskaashi wax ku ool ah” ayuu yidhi Safiirka Taiwan ee Somaliland Allen Chenhwa Lou oo qoraal soo dhigtay bartiisa rasmiga ah ee X (Tweeter).
Dhankiisa Lord Ashcroft ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X, ku sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay Danjire Allen Chenhwa Lou oo ah safiirka Taiwan ee Somaliland. “Waxaan rajaynayaa in la sii xoojiyo xidhiidhka saddex-geesoodka ah, sidoo kale waxaan ku faraxsanahay dedaalada Taiwan oo si muuqata uga qayb qaadanaysa taageerada iyo horumarinta Somaliland. Labada dhinacba si wanaagsan ayay uga wada shaqaynayaan dhinacyada horumarka iyo iskaashiga,” ayuu yidhi.
Labada dhinac ayaa muujiyayay rabitaan ah in la sii horumariyo iskaashi saddex geesood ah ee Somaliland, Ingiriiska iyo Taiwan, gaar ahaan dhinacyada horumarka, maalgashiga, iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed.




















