Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa sannadihii u dambeeyey isu beddelay xarunta ugu weyn ee hormuudka ka noqotay horumarinta adeegyada caafimaadka Somaliland, iyadoo maamulka, dhakhaatiirta iyo shaqaalaha cisbitaalku muujiyeen dedaal, karti iyo hoggaan horseeday guulo waaweyn oo dhinacyo badan taabanaya.
Cisbitaalka ayaa noqday xarun lagu tilmaamo halbawlaha caafimaadka Somaliland, isagoo isku darsaday adeegyo casri ah, tayeynta shaqaalaha caafimaadka, hirgelinta nidaamyo dijitaal ah, ballaadhinta adeegyada bulshada iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.
Maamulka cisbitaalka ayaa dhawaan kulan casho-sharaf ah u sameeyey dhakhaatiir loo dirayey waxbarasho takhasus caafimaad ah, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu tayeynayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka Somaliland.
Kulanka waxa goob-joog ka ahaa agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa, Dr. Axmed-weli Daahir Xaddi, iyo agaasimaha Waaxda adeegyada Caafimaadka Dr. Cabdicasiis Cumar Muuse, kuwaas oo dhakhaatiirta kula dardaarmay inay aqoontooda dib ugu soo celiyaan bulshada Somaliland.
Masuuliyiintu waxay carrabka ku adkeeyeen in horumar waara lagu gaadhi karo oo keliya maalgashiga aqoonta iyo kobcinta khibradaha caafimaadka, si dalka looga helo dhakhaatiir leh takhasusyo casri ah oo dabooli kara baahiyaha caafimaad ee sii kordhaya.
Mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee cusbitaalku gaadhay ayaa ah hirgelinta mashruuca casriga ah ee Health Information System (HIS), kaas oo ay iska kaashanayaan TaiwanICDF iyo Kaohsiung Medical University Hospital (KMUH).
Wafti heer sare ah oo ka socday labada hay’adood ayaa booqday cisbitaallada ka shaqeeya mashruuca, iyagoo shaaciyey in wajigii koowaad lagu guulaystay, isla markaana 99% xogaha caafimaadka si habsami leh loo maareeyey.
Mashruucan ayaa wax weyn ka beddelay nidaamka maamulka caafimaadka, kaydinta xogaha bukaannada iyo habsami u socodka adeegyada caafimaad, taas oo Cisbitaalka guud ee Hargeysa ka dhigaysa xarun caafimaad oo ku tallaabsanaysa nidaam dijitaal ah oo casri ah.
Waxaa sidoo kale la shaaciyey wejiga labaad ee mashruuca oo dhawaan laga hirgelin doono dhammaan cisbitaallada dawliga ah ee Somaliland, iyadoo qaar kamid ah shaqaalaha caafimaadka tababaro loogu diri doono dalka Taiwan.
Munaasibaddii Maalinta Qaran ee Iskaalmaysiga iyo Isu-samafalka Somaliland ee 10-ka May, Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa booqasho ku tegay Cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeer ku soo maray qaybaha ICU-ga, sifaynta kelyaha iyo qaybta NCD-da, isaga oo warbixino ka dhegaystay maamulka iyo shaqaalaha caafimaadka.
Waxa uu sidoo kale booqday dhismaha cusub ee casriga ah ee lagu kordhinayo adeegyada caafimaadka, kaas oo ay maalgelisay dowladda Taiwan, isagoo si gaar ah u ammaanay dedaalka maamulka iyo shaqaalaha caafimaadka ee habeen iyo maalin u taagan badbaadinta bulshada.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in adeegga caafimaadku yahay masuuliyad Qaran iyo waajib bani’aadannimo, isagoo ku bogaadiyey cisbitaalka kaalinta uu kaga jiro daryeelka bulshada Somaliland.
Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa sidoo kale bulshada tusay awooddiisa caafimaad kadib markii uu caafimaad qab ku sagootiyey Cumer Yarre oo ka yimid gobolka Sanaag, kaas oo qabay xanuunka halista ah ee GBS (Guillain-Barré Syndrome).
Bukaanka ayaa markii la keenay cisbitaalka xaaladdiisu ahayd mid aad u adag, isagoo aan awoodin inuu socdo, balse kadib 27 maalmood oo daryeel iyo daaweyn joogto ah ah, waxa uu dib u helay caafimaadkiisii iyo awooddiisii dhaqdhaqaaq.
Madaxa Qaybta Carruurta Dr. Cumer Cali Cilmi ayaa sheegay in dadaalka wadajirka ah ee dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadku horseeday guusha caafimaad ee bukaankaasi.
Hooyada dhalay Cumer Yarre ayaa si weyn ugu mahadnaqday maamulka iyo shaqaalaha cisbitaalka, iyadoo sheegtay in adeegga ay heleen uu ahaa mid badbaadiyey nolosha wiilkeeda.
Cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa sidoo kale lagu kordhiyey saddex mishiin oo casri ah oo sifaynta kelyaha (Dialysis) ah, kuwaas oo si weyn u kordhiyey awoodda adeegyada caafimaad ee la siiyo bukaannada qaba xanuunnada kelyaha.
Qalabkan cusub ayaa yareeyey culayskii saarnaa qaybta kelyaha, isla markaana fursad siiyey bukaanno badan oo hore safaf ugu jiray helitaanka daaweynta.
Agaasimaha cusbitaalka Dr. Axmed-weli Daahir Xaddi ayaa sheegay in qalabkani yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka casriga ah, gaar ahaan xanuunnada daba-dheeraada.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo UNICEF ayaa sidoo kale cisbitaalka ku wareejiyey laba qol oo cusub iyo qalab casri ah oo lagu maareeyo qashinka caafimaadka.
Mashruucan ayaa muhiim u ah badqabka deegaanka iyo ilaalinta nadaafadda caafimaadka, iyadoo masuuliyiintu sheegeen in iskaashiga caalamiga ahi door weyn ka qaadanayo tayeynta adeegyada caafimaadka Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Bashiir Xirsi iyo Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa kormeer ku tegay qaybaha carruurta ee lagu daweynayo cudurrada jadeecada iyo shubanka.
Masuuliyiintu waxay bulshada ugu baaqeen in la xoojiyo tallaalka carruurta, nadaafadda iyo ka hortagga cudurrada faafa, iyagoo sheegay in caafimaadka carruurtu yahay tiirka mustaqbalka bulshada.
Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo nidaamka wax ka qabashada xaaladaha deg-degga ah, kadib kulan ay yeesheen guddida xaaladaha deg-degga ah ee ka kooban cusbitaalka iyo Dawladda Hoose.
Kulankaas waxa qayb ka ahayd VNGO International, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo wajahilahaa shilalka, dababka iyo khataraha kale ee lama filaanka ah.
Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Hargeysa Dr. Axmed-weli Daahir Xaddi ayaa sidoo kale door muuqda ka qaatay hirgelinta mashiinnada casriga ah ee CTScan iyo Dialysis ee lagu kordhiyey Cisbitaalka Guud ee Boorama, taas oo muujinaysa doorka hoggaamineed ee cisbitaalku ku leeyahay horumarinta adeegyada caafimaadka guud ahaan Somaliland.
Masuuliyiinta Qaranka ayaa si weyn u ammaanay dedaalka maamulka Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, iyagoo tilmaamay inuu noqday xarun lagu daydo oo isku darsatay adeeg bulsho, hoggaan caafimaad iyo horumar waara.
Gaba-gabadii, Cisbitaalka Guud ee Hargeysa maanta waxa uu taagan yahay meel sare oo uu kaga jiro adeegyada caafimaadka Somaliland, isagoo noqday xarun astaan u ah rajada bulshada, horumarka caafimaadka iyo dedaalka joogtada ah ee lagu badbaadinayo nolosha shacabka.
Nuxurka fariinta barnaamijkan
Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa noqday xarunta ugu weyn ee hormuudka u ah horumarinta adeegyada caafimaadka Somaliland, kadib guulo waaweyn oo uu ka gaadhay tayeynta shaqaalaha caafimaadka, casriyeynta qalabka, hirgelinta nidaamka dijitaalka ah ee xogaha caafimaadka (HIS), iyo ballaadhinta adeegyada bulshada.
Cisbitaalka ayaa diray dhakhaatiir takhasus u baxaya, kordhiyey mishiinnada sifaynta kelyaha, isla markaana guulo caafimaad ka gaadhay badbaadinta bukaanno xaaladoodu cuslayd, sida Cumer Yarre oo laga daweeyey xanuunka GBS.
Sidoo kale, iskaashi ay la leeyihiin hay’ado caalami ah sida TaiwanICDF iyo UNICEF ayaa door weyn ka qaatay horumarinta adeegyada caafimaadka, nadaafadda iyo qalabaynta cusbitaalka.
Masuuliyiinta Qaranka ayaa ku ammaanay maamulka iyo shaqaalaha cusbitaalka dedaalka ay ugu jiraan badbaadinta bulshada iyo horumarinta caafimaadka Somaliland.























