Maalinta Carafo Yey ku Dhaafin: Acmaasheedda iyo Ficilkeeda

0
90

Maalinta Carrafo ama Yoomul Carafa waxay ku jiraa tobanka bisha Dilxija oo ah maalmaha ugu khayrka badan adduunka. Waa xilliga ay xujaajtu baytka Ilaahay ku gudanayaan waajibaadkii Xajka, Carafo waxa loo jeeda maalinta sagaalaad ee bisha Dilxija, waxaana lagu tilmaamaa Al-xajul Akbar, Nebiguna waxa uu yidhi “Al xaju Carafa”. Yacnii maaliinta xujaajtu carafa taagan yihiin.

Waxay leedahay fadli badan oo Eebbe kor ahaaye ku karaameeyey, waxaan ka xusi karaa kuwan soo socda:

Kow: Waa maalinta ugu khayrka badan: sida ku cad xadiiska Jaabir, ee laga weriyey nabiga (scw) inuu yidhi: “Maalmaha waxaa ugu kheyr badan maalinta Carafo”. Waxaa wariyey Ibnu Xibban.

Sidaas oo kale Jaabir waxa uu leeyahay in uu Nebigu yidhi: “Ma jirto maalin Ilaahay agtiisa kaga kaga khayr badan maalinta Carrafo, Eebbana wuxuu ku soo degaa samada ugu hoosaysa, maalintaa ehlu samaawaadka ayuu Ilaahay ugu faana addoomihiisa ehlul Ardiga ee isu yimi”. Riwaayad kale waxay leedahay: “Ilaahay malaa’igtiisa ayuu ugu faanaa isaga oo leh: Bal u fiirsada addoomahayga, waxay ii yimaaddeen iyaga oo murugaysan oo cabsanaya iyo iyaga oo dhoolla caddaynaya.”

Midda labaad: waa maalinta dhammays-tirka diinta.

Yoomu carafa fadliga weyn ee uu leeyahay, waa maalintii uu Ilaahay inoo dhamaystiray diinteena, nimcadiisana inoo taam yeelay, sida ay sheegayso Aayada saddexaad ee Suuratul Maa’ida. (Maanta waxaan idiin dhamaystiray Diintiinii, waxaan idiin taam yeelay Nimcadaydii, Diina waxaan raali idiinka ahay Islaam). Waxay soo degtay xajul wadaac, xajku Nebigu ummada ku sagootiyey.

Sida uu Bukhaari ku wariyay silsiladdiisa: Nin Yahuudi ah ayaa Amiirul Muuminiin Cumar Binu Khadaab u yimi, waxa uu ku yidhi: “Waxaad akhridaan aayad haddii ay dhexdayada ku soo degi lahayd noo noqon lahayn ciid”. Cumar wuxuu yidhi: Waxaan garanayaa siday u soo degtay, halka ay ku soo degta, cidda ay ku soo degtay iyo maalintii”. Waxay soo degtay xajul wadaac, waxay ku soo degtay Carafo, maalintu waxay ahayd Jimce.

Saddexaad: Waa maalin ciid oo fasax ah iyo Xajul Akbar.

Xadiiska Abuu Umamah uu ka wariyey Nabigu (scw) waxa uu yidhi: “yoomul Carafo, waa yoomu naxar, waa maalintii gowraca, waa maalmaha Cunida iyo Cabbida, waana u ciida ehelu Islaamka”. Waana maalinta ugu weyn xajka.

Tan afraad: Soonka Carafo waa denbi dhaaf laba sano ah. Xadiis saxeex ah waxa uu Nebigu (scw) wuxuu yidhi: “Soonka maalinta Carafo, waxa lagu dhaafayaa laba sanno denbigood, sanadkan iyo sanadkii hore”. Waxaa wariyey Muslim.

Shanaad: waa maalin dambi dhaafka iyo naarta oo layska xoreeyo:

Caa’isha waxay Nebiga ka werisay “Ma jirto maalin Eebbe addoomihiisa naarta ka xoreeyo oo ka badan maalinta Carrafo”. Yacnii maalintaa dadka ugu badan ayaa lagu daraa diiwaanka Jannada oo laga reebaa diiwaanka Naarta.

Lixaad: Duco waxa ugu khayr badan Carafo, sidaa awgeed waa ducada aad loo badiyaa maalintaa, sidaas oo kale maalmaha tobanka ah waa in la badiyaa.

Maalmahan waxa laynaga doonayaa ku camal falidda xalaasha ah: sida Soonka, ducada oo la badiyo iyo xuska Alle. Siiba in lagu ducaysta ducooyinka soo arooray Ilaahayna loo toobad keeno. Sidaas oo kale Takbiirta, Tasbiixad, Taxmiida iyo Tahliisha. Siiba Taakbiirta oo furan saddexda maalmood ee ayaamu Shurbi wal Akli. Acmaashan aan soo sheegnay waxay khusaysaa qofka aan xaajiga ahayn, yacnii qofka aan xajkii tegin ayaa laga doonayaa Acmashan inuu kaga faa’iidaysto maalmaha tobanka bishan Dilxija iyo maalinta carafe.

Ducooyinka la doortay waxaa ka mid ah: Ilaahow na sii adduunyada wanaag, aakhirona na sii wanaag, cadaabka naartana naga ilaali. Ilaahow waxaan dulmiyey nafteyda, dulmi aad iyo aad u weyn, mana jirto cid danbi dhaafta adiga mooyee, ee nooga dambi dhaaf agtaada, noona naxariiso, naxariis adduun iyo aakhiraba, nagana aqbal towbadayda, nagu ilaali jidka toosan in aanan waligeyo ka leexan. Illaahoow naga fogee dulliga caasinimada naguna dhowee sharafta adeecidaada. Ilaahow xalaashaada nagaga filaysii xaaraanta, oo nagu arsaaq nicmadaada in aan cid kasta kaga kaaftoomo, Ilaahow waxaan ku waydiisanayaa hannuun, Alle ka cabsi, dhawrsanaan iyo qaninimo qalbiga ah. Illaahow wax walba noo fududee oo dhibka iga dhaaf, naguna arsaaq adeecidaada inta aan noolnahay. Waalidiintayadii u naxariiso, muslimiinta oo dhan u naxariiso. Ilaahow xaqa na garansii, muslimiinta oo dhana xaqa garansii, madaxdoona xaqa garansii, naga yeel kuwo kuugu mahadnaq nimcada aad siisay. Aamiin.