Ninka reer Nepal oo muddo lix maalmood ah lagu waayey Buurta ugu dheer adduunka dusheeda. Ninkan oo caan ku noqday fuulista Buurta Everest iyo inuu dadka kexeeyo amah ago waxa ku fadhiistay Baraf isaga oo buurta dusheeda ku maqan waxa la la’aa lix maalmood balse. Dawa Sherpa, diyaarad Helikobtar ah ayaa aragtay isada oo gurguuranaya oo ay Olsajiintii ka dhammaatay. Wuxuu BBC-da u sheegay inuu ku badbaaday ” baraf” iyo dhowr shukulaato ah oo uu jeebkiisa ku helay.
Waxaa la filayay in Dawa Sherpa uu ku dhintay buurta, iyada oo qoyskiisa ay ku sugan yihiin caasimadda Nepal ee Kathmandu ay bilaabeen inay sameeyaan acmaashii tacsida laakiin helitaankiisa ayaa loogu bushaareeyey. Waxaa diyaarad loogu qaaday isbitaal ku yaal Kathmandu, halkaas oo uu kula hadlay BBC-da isaga oo qaadanaya daaweyn fuuq-bax iyo qabowga ah. “Uma maleyneynin inaan noolaan doono,” “Waxaan u maleynayay inaan sidan ku dhiman doono.” Ayuu u sheegay BBC Nepali Jimcihii.
Dawa Sherpa wuxuu sheegay in dhibaatadu bilaabantay markii ogsijiinkii dhammaaday, oo uu socon kari waayey. “Labadii maalmood ee ugu horreysay waxba ma cunin. Kadib waxaan bilaabay inaan calaliyo baraf. Ilkaha ayay i xanuunaysay. Waxaan si adag u calalinayay barafka.” Kadib wuxuu jeebkiisa ka helay shukulaato, wuxuuna ku guuleystay inuu cabbo baraf dhalaalay. Si tartiib tartiib ah ayuu hoos ugu degay. Warka ku saabsan badbaadadiisa waxaa la yaab iyo raynrayn kala kulmay bulshada ballaadhan ee Sherpa, fuulayaashii uu la joogay, iyo qoyskiisa.
Shan qof ayaa ku dhintay xilliga fuulitaanka sanadkan, iyada oo in ka badan 300 ay dhinteen tan iyo markii diiwaannada la bilaabay 1920-meeyadii. Pemba Sherpa, oo ah agaasimaha fulinta ee 8K Expeditions oo kormeerayay dadaallada raadinta, ayaa ugu yeedhay “badbaadin dhab ah”. “Dawa wuxuu ku guuleystay inuu ka badbaado wax kasta oo caqabad ah maalmo badan. Waa mucjiso,” ayuu yidhi.
Xaaskiisa, Damu Sherpa, ayaa BBC-da u sheegtay inay rajo ka quusatay markii shirkadda socdaalka ay u sheegtay in howlgal samatabbixin ah aanu suurtogal ahayn. In ka badan 1,000 qof ayaa gaadhay buurta Everest xilli tartankan, taas oo ka dhigaysa meesha ugu mashquulka badan taariikhda.




















