Putin oo Diiday in uu si Foolka Fool ah u la Kulmo Zelensky

0
111

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa diiday dalab wadahadal fool ka fool ah oo uu la yeelan lahaa dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy, isaga oo sheegay in aanu hadda wax faa’iido ah u arkin kulanka noocaas ah. Putin oo hadalkan jeediyay intii lagu guda jiray shirkii madasha dhaqaalaha ee Ruushka oo ka dhacay St Petersburg Jimcihii, maalin ka dib markii Zelenskyy uu la wadaagay warqad furan oo uu ku codsanayo kulan fool ka fool ah oo labada hoggaamiye ay ku soo afjari karaan dagaalka.

Zelenskyy ayaa Jimcihii gelinkiisii dambe ka jawaabay diidmada Putin, isaga oo sheegay in diidmada Putin ee soo jeedintiisii ay muujinayso in Kremlin aanu rabin inuu soo afjaro dagaalka. “Nasiib darro, Ruushku weli wuxuu dooranaya dagaal – qof walba wuu maqlayaa jawaabta. Waa Jawaab daciif ah,” ayuu madaxweynaha Ukraine ku yidhi khudbaddiisii fiidiyowga ee habeenkii Jimcaha. “Waxaan u maleynayaa in jawaabtani ay niyad jabin doonto dad badan oo adduunka ah. Ayuu raaciyey.

Putin wuxuu duray warqadda Zelenskyy, isaga oo sheegay in anu Ruushku ka baqayn jidka uu dagaalkan kaga baxayo, balse waxa uu warqada ku tilmaamay mid aan wanaagsanayn oo aan si daacadnimo ah uga dhicin. “Warqaddan waxaa ku jira hadallo qallafsan. Ma waxay ahayd in la abuuro shuruudo lagu gelayo kulan fool ka fool ah mise in layska qabto kulan fool ka fool ah?, ayuu is weydiiyey. Si kastaba ha ahaatee markii la weydiiyay inuu la kulmi doono hogaamiyaha Ukraine iyo in kale, Putin wuxuu yidhi, “Ma arko wax sabab ah hadda.”

Wuxuu sheegay in wada hadal uu dan u yahay dhinaca Ukraine, isaga oo yidhi “Waxay macno samaynaysaa oo keliya in dhinaca Ukraine, annaga waxay uun joojinaysaa horumarka ciidamadeenna qalabka sida. Taasi waa intaas,” ayuu sii raaciyay Putin. “Waxaana u baahanahay heshiisyo, Khubaradu ha shaqeeyaan, ha soo saaraan xalal, ka dibna waan kulmi karnaa.”

Wada hadallo lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine, oo hadda galay sannadkii shanaad , ayaa inta badan hakad galay sababta oo ah Ruushka oo ku adkaystay inuu sii haysto dhulkii uu qabsaday, kaas oo Kyiv uu diiday inuu ka baxo .

Dadaallada dhexdhexaadinta ayaa si weyn u saameeyay iyada oo Maraykanka, oo sannado badan wadahadallo nabadeed waday, uu dareenkiisa u weeciyay dagaalka Iiraan . Nuxurka warqadda Zelensky ayaa rajo wanaagsan ka abuurtay meelaha qaar, oo ay ku jirto Aqalka Cad. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa yidhi “way fiicnaan lahayd” haddii labada hoggaamiye ay kulmaan.