Dadka Qaba Xumadda oo looga Digay ‎Isticmaalka Dawoyinka Qaarkood

0
60

Qore Faysal Xis Afgaab

Harageysa (Dawan) Dr. Sayid Ismaaciil Xasan ayaa uga digay dadka isku arka ama ay ku dhacdo Xumadda ay keento qaniinyada ‎kaneecadu in ay isicmaalaan noocyo ka mid ah kiniinada iyo irbadaha xanuun baabiiyaha ‎ah ee loo qaato xumad jabinta.‎ Waxaa kale oo loogu baaqay qofka xumadda ay keento qaniinyada kaneecadu in ay cunaan xanuun ‎baabiiyaha Paracemol ka oo keliya halka dhakhaatiirtu sheegeen in xanuun baabiiye yaasha kale ay ‎dhiigga ka saaraan xnjirta taas oo xumadda ay keento qaniinyada kaneecaduna ay samayso oo ay ‎dhiigga kala dagaalanto xinjirta.‎

Madaxa ka hortaga iyo dabar goynta Xanuun sidaha Malariyada (Duumada) iyo Xumada Dangue Fever ‎Dr Sayid Ismaaciil Xasan oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan, ayaa sheegay in Xumadda ay keento ‎qaniinyada Kaneecadu in ay caasimadda ka jirtay isla markaana ay ku badnaynd xaafadaha qaar,taas oo ‎uu sheegay in degmada Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargeysa oo ahayd xaafadda ay ugu dadka ‎ugu badan kusoo ridday ay ka hawl galeen oo ay degmadaas guri guri u buufiyeen kana qaybiyeen ‎Marakaneecooyin.‎

Dr Sayid ayaa sheegay in xanuunka ay keento qaniinyada Kaneecada oo kaa aha Dan-ga Fever iyo ‎kuududiyaha,ayaa sheegay in xiligan oo ay dabayshii xagaagu bilaabantay in ay rejaynayaan in ay ‎istaagto ka dib marka dabayshu qaado ama disho kaneecada.‎ Dr Sayid ayaa dadka ku boorriyay qofka marka ay ku arkaan Xumadda in ay ugu dedaalan ‎maydhitaanka iyo cabitaanka isla markaana ay siiyaan xauun baabiiyaha barasimool ka oo keliya.‎

Waxaanu intaa ku daray n ay iska buufiyaan guryaha kana hor tagaan n guriga iyo agagaarkiisa ‎qoyaanka biyaha,iyo in ay meelalaha biyo fadhisiga ah biyaha a siidayaan.‎ Waxaanu tilmaamay in Kaneecada keenta Danga Fever ku ay maalintiii dadka qaniinto kuna dhasho oo ‎ay ugxanta dhigato biyaha dushooda waxaanu u soo jeediyay bushada in ay markasta weelashooda ‎biyaha dboolaan kuna dedaalaan nadaafadooda.‎