Somaliland: Qaran leh Taariikh ku Dhisan Halgan Dheer oo Xornimo iyo Horumar ah”

0
55

 

Hargeysa (Dawan) Warbixin uu diyaariyay Stefan Tompson oo ah falanqeeye u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay qaran leh taariikh ka tarjumaysa horumar iyo istiraatiijiyad, isla markaana sheekadeedu ay ka bilaabato gumaysigii Ingiriiska, iyadoo soo martay halgan adag iyo dagaallo qadhaadh oo dhiig badan ku daatay, kuwaas oo ugu dambayn horseeday in la dhiso qaran madax-bannaan oo leh maamul iyo hay’ado shaqeynaya.

Warbixintan uu diyaariyay Stefan Tompson, oo ah aasaasaha bar-kulanka wararka ee Vissegrad24, islamarkaana uu soo xigtay Wargeyska Dawan, ayaa si qoto dheer u iftiiminaysa taariikhda, halganka iyo muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Somaliland. Waxaana lagu yidhi: “Somaliland waa dal ku yaalla Geeska Afrika oo sanad kasta u dabaaldega Maalinta Xorriyadda. Caasimadda Hargeysa waxaa si cad looga arkaa astaamaha qaranimo sida calanka, hay’adaha dowladda iyo dareen bulsho oo xooggan.”

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay hore u ahayd maxmiyad ka tirsan Boqortooyadii Ingiriiska (British Somaliland Protectorate) ilaa ay xornimadeeda qaadatay 26-kii Juun 1960-kii, xilligaa oo ay si degdeg ah u heshay aqoonsi caalami ah, isla markaana ay aqoonsadeen in ka badan 30 dal oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Jamhuuriyadda Somaliland ay maanta leedahay nidaam dowladnimo oo casri ah, hay’ado maamul oo shaqeynaya, ciidan qaran, lacag u gaar ah, iyo doorashooyin si nabad ah loo qabto. Sidoo kale, waxay tilmaantay in Dekedda Berbera oo si weyn loo casriyeeyay ay noqotay xarun ganacsi oo muhiim ah, isla markaana saamayn istiraatiiji ah ku leh gobolka Geeska Afrika.