“Roob Madow oo Ka Da’ay Moscow oo ay Bulshadu ka Cabanayso

0
63

Dagaallada ayaa lagu arkaa arrimo la yaab leh oo aan hore loo arki jirin, mar kasta oo ay sii daba dheeraadaan na waxay la yimaadaan waxyaabo ku cusub bulshada lagu dul dagaallamayo.

Wax u eg sidii baraf madow ayaa cirka ka soo daatay magaalada Moscow ee casimadda dalka Ruushka. Arrintan ayaa timid ka dib markii Ukraine ay 200 oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerartay warshad saliidda sifaysa oo Ruushku leeyahay.

Qiiq madow ayaa cirka isku shareeray. 17 qof ayaa ku dhaawacantay duqeynta diyaarada, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Andrei Vorobov.

Dadka deggan koonfurta bari ee Moscow ayawarbaahinta  u sheegay in waxan madow uu sababay “calaamado madow oo aan wanaagsanayn oo aan ka go’I karin dharkayaga”.

Saraakiisha Moscow, si kastaba ha ahaatee, waxay diideen inay xaqiijiyaan wax “roobka saliidda ah”.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in 1,000 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo afar gantaal oo laga leeyahay dalka Ukraine laga hortagay lana burburiyay 24 saac gudahood.

Bakhaar shidaal oo ku yaalla Koonfurta Rostov ayaa la weeraray, waxaana la dilay hal qof, ayuu yidhi.

Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in duqeymaha ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay jawaab u ahaayeen weerarkii todobaadkii hore uu soo qaaday Ruushka ee ka dhacay magaalada Kiev. “Ma doonayno dagaalkan, waligeen ma doonayno,” Zelensky ayaa yidhi.

“Haddii Ukraine gubato, Mooskana way guban doontaa,” ayuu yidhi.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa isna sheegay in weerarrada ka dhanka ah Ukraine ay si aad ah u kordhayaan. Hadallada oo kaliya kuma filna, waxa uu sheegay in uu hore u rumaysnaa arrintaas.

Warshadda sifaynta saliidda ee Kapponya ayaa la weeraray saddex jeer muddo bil gudaheed ah.

Laba jeer ayaa todobaadkan la weeraray. Muuqaalo kala duwan ayaa muujinaya cirka oo uu qiiq ka buuxo, iyo muuqaalo kala duwan oo muujinaya daasado kaydka saliidda ee qaraxa laga soo saaray oo cirka lagu tuuray.

Burburkii diyaaradda Drone-ka ayaa ku dul dhacday dhismaha, waxaana uu dab qabsaday dukaamada ku xigay.

Afar garoon diyaaradeed oo ku yaal magaalada Moscow ayaa la xidhay. In ka badan 500 oo duulimaad ayaa la joojiyay.

Saraakiisha dawladda Ruushka ayaa warbaahinta dalkaasi ka mamnuucay isticmaalka sawirrada, balse waxaa la faafiyay muuqaallo muujinaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo dul heehaabaya gelin hore oo ay cadceeddu soo jeeddo.