Daraasado lagu baahiyay Wargeyska Times ayaa caddeeyay in qofka akhlaaqda wanaagsan ee aad u ilaaliya xuquuqda bulshada uu ka cimri dheeraado dadka dhibta badan ee xadgudubku ku badan yahay, dadkuna aanay ka nabadgeln.
Daraasadda ayaa sheegtay in dadka aad u illaaliya walaaltinimda, samafalka bulshada iyo ixtiraamku ay yihiin kuwo ay ku yar tahay anaaniyadda iyo keli wax isla doonku, taasi oo sababta in shaqada maskaxdu had iyo jeer ay si deggen u hawl gasho, Cimirigeeduna ku dheeraado.
Dadka cadhada badan, xasadka iyo dhibtuna ku badan tahay, had iyo jeer maskaxdoodu waxa ay mashquul ku tahay hawlo aan waxba u tarayn taasina waxay ku keenta in cimirigeedu uu noqdo mid soo gaabta.
Waxa kale oo daraasadu muujisay in jimcsiga, iyo ilaalinta caafimaadka iyo nadaafada ay iyaguna qayb ka yihiin cimiriga dheeraada.






















