Awoodda cajiibka ah ee gaarka ee dhirtu u leedahay ayaa noqday kuwo wakhti dhow la ogaaday. Koox cilmiga noolaha ku xeeldheer oo ay hogaaminaysay gabadha Monica Gagliano oo ka tirsan jaamacadda Austareliya ayaa geedo digir ah ku riday weel loo qaabayay sida xarafka Y oo biyo ku jiraan halka mid labaadna ay ku ridday meel ciid adag ah.
Waxaana uu soo baxday khubaradan in xididka geedkaasi uu hadba dhinaca biyuhu ka xigaan uu sii durkayay xataa haddii iyadoo u jireen caqabado kaga gudbanaa oo caag iyo balastiig ahaa.
Monica Gagliano ayaa caddaysay in xididka geedku yaqaano goobta uu ka helayo biyaha, waxaana ay sheegtay in dhirtu isticmaasho codka socodka ee u muujinaya goobta uu ka helayo biyo.
Daraasadan oo lagu baahiyay Wargeyska Oecologia ayaa caddaysay in dhaman nooluhu u isticmaalo codad iyo habab uu ku ogaan karo goobta ay biyuhu ka xigaan madaama ay noloshii yihiin. Warbixintan ayaa muujisay in dhirtu adeegsato qoyaano ku haga goobaha ay biyuhu ka xigaan.






















