Hargeysa (Dawan) Warbixin caalami ah oo lagu daabacay warbaahinta The Times of Israel ayaa si qoto dheer uga hadashay siyaasadda cusub ee aqoonsiga Somaliland iyo isbeddellada ka socda nidaamka caalamiga ah. Warbixintan oo uu diyaariyay Raghu Kondori, oo ah faylasuuf iyo qoraa Faransiis-Iraani ah, isla markaana ah madaxweynaha Mac-hadka siyaasadda ee Shahvand Think Tank, ayaa sheegay in go’aanka aqoonsiga Somaliland uu si cad uga turrjumayo isbeddel weyn oo ku yimid fahamka caalamiga ah ee sharciyadda siyaasadeed.
Sidoo kale waxa lagu sheegay warbixintan oo Wargeyska Dawan soo xigtay in dunida maanta ay si weyn u qiimayso muhiimadda waxqabadka dawladnimo, xasilloonida siyaasadeed, iyo miisaanka istiraatiijiga ah, kuwaas oo mararka qaarkood ka miisaan culus aqoonsiga rasmiga ah, taasina ay tahay sababta Somaliland ay noqotay tusaale muujinaya sida dal aan muddo dheer haysan aqoonsi caalami ah uu u dhisan karo nidaam dawladnimo oo casri ah iyo hay’ado shaqeeya, isla markaana ay u kasbtay muhiimad siyaasadeed iyo mid juqraafiyeed oo sii kordhaysa.
Warbixintu waxay tilmaantay in aqoonsigu aanu ahayn abaal-marin akhlaaqeed oo keliya, balse uu yahay awood iyo istiraatiijiyad siyaasadeed oo ka tarjumaysa xaqiiqada ka jirta dhulka iyo awoodda maamul. Warbixintu waxay tusaale u soo qaadatay Somaliland, oo ay ku tilmaantay in ay tahay jamhuuriyad madax-bannaan tan iyo sannadkii 1991, isla markaana muddadii ay jirtay ay ku guulaysatay inay dhisto hay’ado shaqaynaya, sugidda amniga, doorashooyin tartan leh iyo nidaam siyaasadeed oo isku daraya dhaqanka bulshada iyo maamulka casriga ah.
Sidoo kale warbxinta ayaa Somaliland ku tilmaantay bulsho Muslim ah oo ku guulaysatay hirgelinta dimuqruaadiyad hufan iyo horumarinta nidaam siyaasadeed oo ku salaysan heshiis bulsho iyo sharciyad gudaha ah. “Go’aanka Israa’iil muu abuurin dawlad cusub; balse wuxuu aqoonsaday xaqiiqo hore u jirtay, taas ayuu u beddelay fursad istiraatiiji ah,” ayaa lagu yidhi. Waxa kale oo ay warbixintu intaasi raacisay in Somaliland ay ka badbaadday colaadaha iyo faragelinta shisheeye ee saameeyay dalal badan oo gobolka ah. isla markaana ay gaadhay horumar muuqda oo aan si fudud uga hirgelin meelo badan oo ka mid ah Geeska Afrika.
Warbixintan ayaa lagu soo gabagabeeyay “Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland looma arko tallaabo lama filaan ah, balse wuxuu ka tarjumayaa siyaasad ku dhisan aragtida ah in awoodda, waxqabadka iyo xasilloonida dawladnimo ay ka muhiimsan yihiin oggolaanshaha sharciyadda dibadda. Casharka ugu weyn ee laga qaadanayo ayaa ah saamaynta ay xidhiidhada wax-ku-ool ah ee Somaliland ku yeesheen nidaamka caalamiga ah iyo sida ay uga faa’iidaysatay fursadaha istiraatiijiga ah.
Sidaas darteed Aqoonsiga Somaliland wuxuu sare u qaadayaa qiimaha tusaalahan, waana farriin ah in dawladaha muujiya xasillooni, masuuliyad iyo maamul wanaagsan ay heli karaan iskaashi istiraatiiji ah xitaa marka hay’adaha caalamiga ahi ay ka gaabiyaan go’aamada aqoonsiga.”




















