Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland
Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdinaasir Axmed Xirsi, oo ka mid ahaa weftigii Madaxweynaha Somaliland hoggaaminayya ee booqasahda taariikhiga ah ku tegay dalka Israa’iil, ayaa sharraxay fursadaha maalgashi ee yaalla Somaliland iyo doorka xukuumadda Somaliland ee damaanad qaadka sinnaanta maalgashadeyaasha gudaha iyo kuwa dibedda. Sidoo kale waxa uu soo bandhigay sida Somaliland u tahay marin calami ah oo isku xidhaya ganacsiga Afriga Bariga dhexe iyo guud ahaan caalamka isla markaana sida cidda ugu soo horraysa ee maalgashataa ay noqonayso kuwa ugu horreeya ee ka faa’iidaysta fursadaha yaalla Somaliland.
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdinaasir Axmed Xirsi, oo ka qayb galay shir ballaadhan oo ay ka soo qayb galeen Maalqabeeno, hoggaamiyeyaal ganacsi, maalgashadeyaal, xirfadleyaal iyo marti Sharaf kale oo badan ayaa tilmaamay in fursadaha maalgashi aanay ahayn mustaqbal fog, balse ay yihiin “Somaliland maanta,” Waxaanu ganacsatada iyo maalgashadayaasha caalamka ugu baaqay inay si degdeg ah uga faa’iidaystaan fursadaha istiraatiijiga ah ee dalka ka jira, xilli uu ka hadlayay shir caalami ah oo lagu soo bandhigay awoodda dhaqaale iyo maalgashi ee Somaliland.
Guddoomiye Cabdinaasir Axmed Xirsi shirkaa caalamiga ah hadal dheer ka jeediyay, ayaa ku bilaabay. “Danjire Michal ruti, maanta waxaa Sharaf ii ah in aan shirkan caalamiga ah idinla joogo, anigoo ka mid ahaa weftigii uu hoggaaminayay Maaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, waxaan u mahad celinayaa Marti geliyahayaga oo kulankan aadka u heerka sarreeya isugu kaaya keenay martida qiimaha leh oo isugu jirtaa hoggaamiyeyaal ganacsi, maalgashadeyaal, xirfadleyaal iyo hal abuurro, anigoo ah guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland kana tirsan kooxda hoggaaminta dhaqaalaha Somaliland, waxaan ku faraxsannahay in aan idinla wadaago is bedelka dhaqaale ee Somaliland iyo fursadaha waawayn ee u furan ganacsiyada iyo maalgashiyada ee Israa’iil.”
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sharraxay baaxadda khayraadka dihin ee Somaliland eek u habboon in la maalgashado, waxaanu yidhi. “Maanta Somaliland waxay bixisaa fursado soo jiidhasho leh oo ka jira beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, tamarta la cusboonaysiin karo, saadka, gaadiidka, macdanta wax soo saarka, isgaadhsiinta, adeegyada maaliyadeed, caafimaadka iyo qaybo kale oo badan.
Qaab dhismeedkayaga maalgashi wuxuu dammaanad siinayaa maalgashadeyaasha shisheeye, sinnaanta loola dhaqmo maalgashadeyaasha gudaha iyo kuwa dibedda, dib u celinta faa’iidada iyo raasamaalka, dhiirri gelin cashuureed iyo kastam, hirgelinta aagag warshadeed oo ku yaalla aagag horumarineed gaar ah, fursado laga helo aagaga dhaqaalaha ee Berbera iyo iskaashiga dawladda iyo gacansiga gaarka loo leeyahay ee (PPP). Sidaa darteed, fursadaha maalgashi ee Geeska afrika maaha berito, waa Somaliland maanta, waxaan idinku marti qaadaynaa in aad ka mid noqotaan safarkaas.”




















