Waxay ku dhalatay Boqoradda lagu magacaabi jiray Hurrem magaalo ku taalla galbeedka dalka Ukrain sanadkii 1500 M , Ciidamadii Tartaarka ayaa magaaladii ay deganayd soo weeraray ka dibna waxay u soo qafasheen adoon ahaan, waxayna adoon ah ahaan uga iibiyeen boqorkii Cusmaaniyiinta Boqor Sulaymaan Qanuuni. Waxay ka mid ahayd Inanta Hurrem hablihii u shaqynayay boqorka, iyadoo markii danbena si gaar ah iyadu ugu shaqayn jirtay boqorka.
Magaceeda waxa la odhan jiray Iskadar waxaana ka bedelay oo u bixiyay Hurrem boqor Sulaymaan. markii danbe waxa guursaday boqorka oo ay u dhashay 6 caruur ah, waxaana ay noqotay boqorada.
Inkasta oo eedo badan loo soo jeediyo oo ah inay ka danbaysay dilal dadkii xididka boqorka ahaa haddana waxay noqotay jaariyadii iyo adoonta keliya ee noqotay boqorad madaama u si shraci ah u guursaday Boqor Sulaymaan oo Cusymaaniyiinta xukumayay.
Waxaana la odhn jiray jaariyaddi Ruushka ahayd ee uu jeclaaday boqroka Sulaymaan. Waxaa kale oo loo yaqaana kariimi iyo Umu Muxamed.
Waxay dhistay masaajido badan iyo Isbitaal dumarka gaar u ah oo ku yaalla Istanbul, madaaris, iyo laba xarumood oo raashinka lagu diyaarin jiray oo ku yaalay Maka iyo Qudus. Waxay dhimatay sandakii 1558. .( Source : Almrsal.Com)






















