Wiil yar oo gaadhi soo xaday ayaa jiidhsiiyey 8 wadaad oo reer Thailand ah

0
13

Siddeed wadaad oo u dhashay Thailand ayaa dhintay, dad kalena way dhaawacmeen ka dib markii wiil yar uu gaadhi gurigooda ka soo kaxeeyay ka dibna uu jiidhsiiyey wadaada Buddhist-ka oo socod lug ah ku jira.

Ilmaha – oo warbaahintu sheegtay inuu yahay 11 jir – ayaa xaday gaadhigii waalidkiis Khamiistii ka dibna uu 30 wadaad oo ku guda jiray gudashada cibaado wadareed ka dhacaysay magaalada Mukdahan ee waqooyi-bari Thailand, sida ay boolisku u sheegeen warbaahinta.

Wararka ayaa sheegaya in 10 ilaa 20 qof oo kale ay dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska iyo caafimaadka.

Kooxda wadaaddada iyo kuwa raacsan ayaa ku socday waddo ku taal Mukdahan, oo qiyaastii 600km waqooyi-bari ka xigta caasimadda Bangkok, markii ay dhacdadu dhacday.

Waxay bilaabeen socod 260-km ah oo ay ku tagayaan gobolka Ubon Ratchathani qiyaastii 30 daqiiqo ka hor shilka, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Muuqaallo ay duubeen kamaradaha amniga oo ay wadaageen koox samatabbixin maxalli ah, oo lagu magacaabo Ruam Jai Mukdahan Rescue Association, ayaa muujinaya wadaaddada oo hal wado ku socda ka hor inta aanu shilka gaadhigu dhicin.

Booliska ayaa sheegay in wiilku uu qaatay gaadhigii waalidkiis oo uu watay isaga oo aan fasax haysan ka hor inta aanu lumin xakamaynta gaadhiga oo uu ku dhacay wadaaddada.

Booliisku waxay intaas ku dareen in wiilka hadda uu xidhan yahay isla markaana la weydiin doono su’aalo marka ay yimaadaan saraakiisha ilaalinta carruurta ee gobolka.

Wadaadada Buddhist-ka ayaa si weyn loogu ixtiraamaa Thailand, waxaana lagu aaminay inay ilaaliyaan oo ay gudbiyaan waxbarista Buddha.

Badanaa waxay qabtaan isu soo baxyo dadweyne waxaana si weyn loo arkaa iyagoo sadaqo ka helaya dadka caadiga ah ee Thai. Baabuurku wuxuu ahaa Xaajiyad Pick up ah.