Qore Wariye C/wahaab Daahir
Hargeysa (Dawan) Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay kulan shaqo la yeelatay Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka (KMC), si ay uga dhagaystaan warbixin faahfaahsan oo ku saabsan hawlaha ay guddidu qaranka u hayso iyo caqabadaha ka horyaalla gudashada waajibaadkeeda.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Golaha Wakiillada, gaar ahaan xafiiska Guddida Arrimaha Bulshada, waxa shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka guddida, Xildhibaan Axmed Cabdi Ducaale (Walhad), iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha kale ee guddida.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in si qoto dheer oo masuuliyad leh looga wada hadlo shaqada KMC, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha diiwaangelinta iyo ruqsad-siinta mihnadlayaasha caafimaadka, kormeerka iyo hubinta tayada adeegyada caafimaad, ilaalinta anshaxa mihnadda iyo xuquuqda bukaanka, iyo habraaca loo maareeyo dacwadaha ka dhasha khaladaadka xirfadeed.
Masuuliyiinta KMC ayaa kulanka ka bixiyay warbixin dhinacyo badan taabanayso oo ku saabsan nidaamka dacwadaha, iyagoo caddeeyay in dacwad kasta si rasmi ah loo qaabilo, laguna sameeyo baadhitaan sharci iyo mid xirfadeed, ka hor inta aan go’aan kama dambays ah laga gaadhin. Waxay sidoo kale tilmaameen in haddii dhinacyadu ku qanci waayaan go’aanka la gaadho, ay xaq u leeyihiin racfaan waafaqsan nidaamka sharci ee dalka.
Geesta kale tirakoobka dacwadaha, guddidu waxay shaacisay in 60 dacwadood ay soo gaadheen, kuwaas oo 30 ka mid ah go’aan laga gaadhay. 13 dacwadood ayaa la sheegay in dukumentiyadoodu aanay dhammaystirnayn, 7 dacwadoodna la dhammeeyay faylkooduna la xidhay. Halka 2 dacwadood ay wali qabyo yihiin, sidoo Kalena 7 dacwadood ay baadhistoodu haatan ay socoto.
Xubnaha Guddida Arrimaha Bulshada ayaa su’aalo la xidhiidha hufnaanta nidaamka, dabagalka dacwadaha, iyo tayada adeegyada caafimaadka weydiiyay masuuliyiinta KMC. Masuuliyiintu waxay si faahfaahsan uga jawaabeen su’aalahaasi, iyagoo soo bandhigay caddeymo iyo sharaxaad dheeraad ah oo ku qancisay guddida.
Waxaa kale oo la isla soo qaaday caqabadaha jira, oo ay ka mid yihiin baahida loo qabo xeerar iyo nidaamyo mideeya hawlaha hay’adaha kala duwan si looga hortago isbarbar-socodka, miisaaniyad-yaraan saamayn ku leh hawl-fulinta, iyo culaysyo kale oo saameeya nidaamka caafimaadka.




















