Xisbiga KAAH oo Ammaanay Hoggaaminta Madaxweynaha Qaranka oo Rejo Cusub Gelinaysa Qabsoomidda Doorashada

0
255

Hargeysa (Dawan) Gudoomiye ku-xigeenka Gobolladda iyo degmooyinka ee Xisbiga KAAH, Cabdikariin Maxamed Xaaji Cali ayaa qoraal uu kaga hadlay khilaaf ka dhex aloosnaa xisbiga KAAH iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL (KDQ) oo lagu baahiyey bogga uu Xisbigu ku leeyahay facebook-ga, ayaa madaxwaynaha Somaliland ku ammaanay isku soo dhawayn uu ka dhex sameeyey Xisbiga KAAH iyo Komishanka doorashooyinika qaranka Somaliland.

Waxa uu sheegay in Madaxwaynuhu si odaynimo ah isku soo horfadhiisiyey labada dhinac, waxaana uu talaabadaasi ku tilmaamay bilow wanaagsan oo rejo gelinaya in dib loo amba-qaado hannaan wada-hadal oo horseeda xal waara oo laga gaadho khilaafka diiwaan-gelinta ee muddada dheer soo jiitamayay. “Madaxweynaha JSL wuu ku mahadsan yahay inuu maanta si odaynimo leh isku soo hor-fadhiisiyay Xisbiga Kaah iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL (KDQ)” ayuu yidhi Gudoomiye ku-xigeenka Gobolladda iyo degmooyinka ee Xisbiga KAAH, Cabdikariin Maxamed Xaaji Cali.

Mudane Cabdikariin Maxamed Xaaji Cali waxa uu ku tilmaamay tallaabada uu Madaxweynaha Somaliland ku dhex-dhexaadiyey Xisbiga KAAH iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka bilow wanaagsan oo horseed u noqonaya in dib loo amba-qaado wada-hadallo midho-dhal ah, kuwaas oo lagu gaadhi karo xal waara oo laga gaadho khilaafkii muddada dheer ka taagnaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha. “Tallaabadani waa bilow wanaagsan oo rejo gelinaya in dib loo amba-qaado hannaan wada-hadal oo horseeda xal waara oo laga gaadho khilaafka diiwaan-gelinta ee muddada dheer soo jiitamayay. Rejaduna waa in wada-hadalladu sii socdaan, lana helo hannaan diiwaan-gelin hufan oo lagu xaqiijin karo doorashooyin lagu kalsoonaan karo.

Xisbiga KAAH, waxa uu weli hayaa jidkii iyo aragtidiisa hore waxaanu dhawaan la fadhiisan doonaa Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland (KDQ), waxaana ka go’an shaqo adag iyo diiwangalin hufan” ayuu yidhi Gudoomiye ku-xigeenka Gobolladda iyo degmooyinka Xisbiga KAAH Mudane Cabdikariin Maxamed.