Noqo Qof Dadka Dhegaysta
Macallinka ayaa ardaydiisa mid ka mid ah oo waxbarashada ku fiicnaa weydiiyay su’aash ah : “Maxaad jeceshahay inaad noqoto markaad weynaato?”
Ardaygii ayaa ku jawaabay: “ Qof dadka dhegeysta.”
Macallinka ayaa aad u qoslay waxaana uu yidhi : “Tani waa xirfad naadir ah maanta.”
Ogow in dhageysigu uu yahay xirfad hibo ah oo ka xeel dheer hadal badnaanta. Marka aad dadka dhegaysto ayaa arrin kasta xalkiisa gaadhaysa.
Kormeerka Boqorka
Boqor ayaa bulshadiisa kormeer ku dhex marayay si uu ogaado noloshooda iyo waxa ay uga baahan yihiin. Boqorka ayaa la kulmay nin sabool ah waxaana uu weydiiyay su’aasha ah: “Haddaan boqorka ahay, maxaad iiga baahantay ee aad iga codsan lahayd?”
Ninkii saboolka ahaa ayaa ku jawaabay: “Cadaalad.”
Boqorkii wuu aamusay.
Xikmadduna waa in mararka qaar jawaabta aamusnaanta ah ayaa wax badan sheegta.
Nin Ganacsade ayaa saacad qaali ah xidhan jiray, balse mar walba shaqada waa ka soo daahi jiray.
Nin ay saaaxiib ahaayeen ayaa ku yudhi: “Saacaddu qiimo ma yeelanayso, haddii waqtigu kaa lumayo, oo aanay ka joojinayn inaad wakhtigaag ka faa’idsyato.”
Xikmaduna: waa Waqtiga la ilaaliyo ayaa ka qaalisan dahabka























