“Laba Masuul oo Shacabka Saaxil ay Mahadiyeen”

0
121

Hargeysa (Dawan) Gudoomiye kuxigeenkeenka Gobolka Saaxil Maxamuud Hindi Aadan iyo Xoghayaha Maamulka Gobolka Saaxil Nuux Maxamed Saleebaan. Waa laba Masuul oo ka mid ah Maamulka Gobolka Saaxil kuwaas oo ah reer Berbera runtii aqoon fiicana u leh qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Saaxil. Labadan Masuul waxa ay isku darsadeen Sifooyinka ay yartahay in maanta dadka Laga Helo.

Shacabka ku dhaqan gobolka Saaxil gaar ahaan degmada Berbera waxa ay si weyn uga markhaati kacaen in labada masuul ay yihiin laba shaqsi oo qunyar socod, ah una dheg raaracan ama dhegaysta Bulshada kala duwan mansab kasta ha lahaadaane. Waa laba nin oo deganaan iyo isu dhuldhig u muujiya dadka Marka ay la kulmaan runtii. Had iyo jeer waxa ay shacabka wakhti u siiyaan in ay goob kasta iyo markasta wakhti siyaan oo goobaha bulshadu isugu timaado ay la Fadhiisan.

Xafiisyadoodu maaha qaar Cid gaar ahi ay geli karto. Qofkasta oo Shaqo uga baahda wuu u furan yahay. Waa laba qof oo sharciga iyo Amniga Gobolka Saaxil si fiican oo aqoon leh uga qayb qaata. Badhasaabka loo Soo magacaabo Gobolka Saaxil waxay si Daacad ah oo lilaahi ah Ugu garab galaan in uu u guto shaqadiisa. Waxa ay ka qayb qaataan Arimaha samafalka caawinta danyarta iyo Arimaha bili aadantinimada.

Waxa ay dhiirigeliyaan dhalinyarada Gobolka Saaxil Sida Waxbarashada, Shaqo abuurka, iyo Ciyaaraha. Waxa xusid Mudan Gobolka Saaxil in aanay ka dhicin badanaa Cid Xafiiska Gobolka Saaxil loo xidhaa aanay jirin Halka Gobolada kale ay ka dhacdo badanaa. Waxa ay ka qayb qaataan inta badan in hadii khilaaf yimaado ay sulux iyo odaytinimo ku dhameeyaan hadba wixii khilaaf Soo gaadha Xafiiska Gobolka Saaxil.

Sidoo kale waxa ay caawiyaan Isuduwayaasha laamaha kala duwan ee Gobolka Saaxil kuwaas oo inta karaankooda ah ay ka caawiyaan shaqooyinka maalinlaha ah. Sida ay isuduwayaal badani noo xaqiijiyeen ugana mahad sheegteen. Waxa kale oo xusid Mudan in cuqaasha iyo madaxdhaqameedka Gobolka Saaxil ay iyaguna ka mahad sheegtaan. Qofkasta oo wanaagsan in waad mahad santahay la yidhaadaa waa dhaqanka wanaagsan ee Diinteena Suuban. Mudanayaal waad ku mahad santihiin shaqada wanaagsan ee aad u haysaan Shacabka Gobolka Saaxil.

Qalinkii Gamuute Cumar Kujoog Media