Qore: Daahir Cabdi Ciise (Camey)
Waraysigii uu bixiyey Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ahaa mid ay muhiim tahay in si qoto dheer loo dhuuxo. Qof kastaa wuxuu u fasiran karaa si u gaar ah, balse marka laga eego dhinaca siyaasadda iyo amniga, wuxuu xambaarsanaa fariimo loo qaadan karo digniin iyo baaq ku wajahan shacabka iyo xukuumadda Somaliland.
Waraysigaasi wuxuu muujinayey laba arrimood oo waaweyn. Midda koowaad waa in dariiqii diblomaasiyadda iyo wada-hadalku aanu u muuqan midka mudnaanta koowaad leh. Midda labaadna waa in la dareemayey rabitaan lagu xoojinayo cadaadis siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhan ah himilooyinka Somaliland.
Marka laga hadlayo dalalka gobolka, waxa muuqata in Soomaaliya ay sii wadi doonto dedaallada ay ku raadinayso taageero dibadeed. Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waa inay fahamtaa in caqabadaha ugu waaweyn lagu wajaho bisayl siyaasadeed, diblomaasiyad firfircoon iyo midnimo qaran.
Jabuuti, waxa jira dareen ay qabaan qaar badan oo ka mid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta dalkaasi oo ah in xasilloonida gobolka iyo wada-noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed ay ka muhiimsan yihiin khilaaf kasta oo siyaasadeed. Xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ee dhinacyada dhaqanka, ganacsiga, bulshada iyo amniga ayaa ah mid aan la iska indho tiri karin. Balse Madaxweynaha Jabuuti wuxuu ku foogan yahay arrimaha khilaafka Somaliland, isaga oo garab siinaya Xasan Sheekh. Xukuumaddu waa inay si dhow ula socotaa dhaqdhaqaaq kasta oo ka socda xadka Jabuuti.
Sidoo kale, dalalka kale ee gobolka sida Turkiga iyo Masar waxay leeyihiin dano iyo aragtiyo siyaasadeed oo u gaar ah, kuwaas oo saamayn ku yeelan kara xaaladaha ka taagan gobolka.
Su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: Maxaa Somaliland la gudboon?
Jawaabtu waxay ku jirtaa midnimo, feejignaan iyo kalsooni qaran.
Somaliland maanta waxay u baahan tahay:
In la xoojiyo midnimada shacabka iyo wadajirka bulshada.
In la taageero hay’adaha qaranka iyo ciidamada amniga.
In la kobciyo xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo kuwa caalamiga ah.
In dhalinyarada lagu barbaariyo waddaniyad, aqoon iyo adeeg qaran.
In laga fogaado wax kasta oo horseedi kara kala-qaybsanaan iyo tafaraaruq gudaha ah.
In shacabka si joogto ah loogu wacyigeliyo xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee gobolka.
Taariikhdu waxay ina bartay in awoodda ugu weyn ee ummad leedahay aanay ahayn hubka ama dhaqaalaha oo keliya, balse ay tahay midnimada iyo isku-duubnida dadkeeda. Haddii shacabka Somaliland ay ilaashadaan wadajirkooda, adkaystaan kalsoonida ay isku qabaan, isla markaana ka hormariyaan danta guud danaha gaarka ah, waxay awood u yeelan doonaan inay ka gudbaan caqabad kasta oo soo wajahda.
Sidaa darteed, waraysigii Xasan Sheekh waa in aan loo arag hadal siyaasadeed oo keliya, balse loo qaataa fariin xusuusinaysa baahida loo qabo feejignaan, midnimo iyo diyaar-garow qaran. Mustaqbalka Somaliland waxa uu ku xidhan yahay awoodda ay dadkeedu u leeyihiin inay garab istaagaan dalkooda, ilaashadaan nabaddooda, kana shaqeeyaan horumarkooda.




















