Safarradii Madaxweyne Cirro: Guulaha Taariikhiga ah iyo Natiijooyinka ka Dhashay

0
64

“Sida Safarrada Madaxweyne Cirro u beddeleen muuqaalka siyaasadeed ee Somaliland”

Falanqayn: “Madaxweynaha JSL iyo Diblumaasiyadda Firfircoon ee Xoojinta Xidhiidhada Caalamiga ah”

Tel Aviv (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxa muuqday dadaal xooggan oo lagu horumarinayo xidhiidhka Somaliland ay la leedahay dalalka caalamka. Safarrada diblumaasiyadeed ee uu ku tagay waddamo kala duwan ayaa qayb ka ah istaraatiijiyadda ballaadhan ee xukuumadiisuu ku horumarinayso danaha qaranka, isla markaana kor loogu qaadayo maalgashiga iyo ballaadhinta iskaashiga caalamiga ah.

Safarradii diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalal badan oo saamayn ku leh siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamka ayaa xambaarsanaa muhiimad diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni. Waxay sidoo kale qayb muhiim ah ka yihiin dadaallada joogtada ah ee Somaliland ugu jirto xaqiijinta himiladeeda qaran ee ku aaddan inay hesho aqoonsi caalami ah, ka dib 34 sannadood oo ay ku hawlanayd dhismaha dawladnimo, nabadgelyo iyo dimuqraadiyad.

Madaxweyne Cirro ayaa booqashooyin rasmi ah ku tegay dalal ka tirsan gobolka iyo caalamkaba ah, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madax, masuuliyiin sare, hay’ado caalami ah iyo shirkado maalgashi. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha, xoojinta amniga gobolka, kobcinta maalgashiga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista xidhiidhada diblomaasiyadeed ee Somaliland.

Waxa xusid mudan in safarradani ay Somaliland u abuureen fursaddo diblumaasiyadeed oo ballaadhan, kuwaas oo suurogeliyay in ay codkeeda iyo aragtideeda si toos ah u gaadhsiiso beesha caalamka iyo fagaarayaasha lagu go’aamiyo siyaasadaha dunida. Sidoo kale, waxay sare u qaadeen muuqaalka Somaliland ee saaxadda caalamiga ah, iyaga oo muujiyey xasilloonida, dimuqraadiyadda iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay.

Safarradii Madaxweyne Cirro iyo Guulihii Ka Dhashay

Safarkii Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madaxda dawladda, masuuliyiin sare iyo shirkado waaweyn oo maalgashi. Safarkaasi waxa uu ahaa mid muhiim u ah qorshaha xukuumadda ee lagu xoojinayo xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee Somaliland la leedahay dalalka gobolka iyo kuwa caalamka.

Booqashadaasi waxa ay dhalisay guulo diblomaasiyadeed iyo dhaqaale oo la taaban karo. Waxa la xoojiyey iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo sidoo kale la dardar-geliyey mashaariicda waaweyn ee ka socda Dekedda Berbera iyo kuwa la xidhiidha horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Safarku waxa kale oo uu kor u qaaday kalsoonida maalgashadayaasha caalamiga ah ee Somaliland, isaga oo abuuray fursado cusub oo shaqo-abuur iyo horumar dhaqaale ah.

Safarkii Kenya iyo Guulihii Ka Dhashay:

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale booqasho rasmi ah ku tegay dalka Kenya, safarkaasi ayaa muhiimad gaar ah u lahaa xidhiidhka labada dhinac. Booqashadan ayaa muujisay heerka uu gaadhay iskaashiga Somaliland iyo Kenya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha amniga, ganacsiga iyo xoojinta xidhiidhada diblomaasiyadeed.

Guulaha ugu waaweyn ee ka dhashay safarkaasi waxa ka mid ahaa furitaanka iyo xadhig-ka-jarista xafiiska Safaaradda Somaliland ee magaalada Nairobi. Tallaabadan ayaa xoojisay joogitaanka iyo matalaadda Somaliland ee Bariga Afrika. Sidoo kale, safarku waxa uu gacan ka geystay kobcinta wada-shaqaynta dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isu-socodka shacabka, isaga oo sare u qaaday doorka Somaliland ee iskaashiga gobolka Geeska Afrika.

Safarkii Israa’iil iyo Guulihii Ka Dhashay:

Safarka Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalka Israa’iil ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah booqashooyinkii ugu saamaynta badnayd ee dhinaca diblomaasiyadda tan iyo markii ay Somaliland madax-bannaanideeda la soo noqotay 1991-kii. Safarkani waxa uu Somaliland u horseeday fursado cusub oo dhinacyo badan leh, isaga oo si weyn indhaha caalamka ugu soo jeediyey kaalinta iyo muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland.

Booqashadan ayaa sababtay in Somaliland si weyn uga dhex muuqato warbaahinta iyo fagaarayaasha siyaasadeed ee caalamiga ah. Waxa kale oo ay furtay albaabo cusub oo iskaashi oo la xidhiidha tiknoolajiyadda, beeraha, biyaha iyo caafimaadka. Intaa waxa dheer, safarku waxa uu kor u qaaday doodaha ku saabsan muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland ee gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Sidoo kale, booqashada Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ee dalka Israa’iil waxa uu si weyn u xoojisay suurto-galnimada xidhiidhada diblumaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland la yeelan karto dalalka saaxiibka la ah Israa’iil. Sidoo kale booqashadan taariikhiga ah ayaa si cad u muujisay korodhka danaynta beesha caalamka ee kaalinta Somaliland ku leedahay amniga, ganacsiga iyo xasilloonida gobolka.

Gunaanad:

Guntii iyo gabagabadii, Safarrada Madaxweyne Cirro waxay astaan u noqdeen diblomaasiyad firfircoon oo ku salaysan difaaca danaha qaranka, xoojinta xidhiidhada caalamiga ah iyo raadinta fursado horumarineed oo cusub. Booqashooyinkaas diblomaasiyadeed ayaa Somaliland u horseeday guulo muuqda oo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah ah. Sidoo kale, waxay muujiyeen in Somaliland tahay dal leh himilooyin qaran oo cad, hoggaan firfircoon iyo aragti fog oo ku wajahan mustaqbalka, horumarka iyo iskaashiga dunida.