Hargeysa (Dawan) Warbixin caalami ah oo ay baahisay Horn & East Africa Review News ayaa heshiiska maaliyadeed ee dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Taiwan ku tilmaantay fursad cusub oo dhaqaale iyo tallaabo muhiim ah oo si weyn u soo jiidatay indhaha bulshada caalamka, gaar ahaan dalalka Afrika iyo Aasiya. Heshiisaas (Memorandum of Understanding MOU) oo ay si rasmi ah u kala saxeexdeen Baanka dhexe ee Somaliland iyo Hay’adda Central Deposit Insurance Corporation (CDIC) ee dalka Taiwan.
Sida lagu sheegay warbixintan caalamiga ah, heshiiskan is afgarad (Memorandum of Understanding MOU) wuxuu u muuqdaa mid xoojinaya xidhiidhka dhaqaale ee labada dal ee saaxiibka ah (Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan), isla markaana laga filayo inuu abuuro fursado cusub oo la xidhiidha maalgelinta, horumainta ganacsiga, tiknoolajiyadda casriga ah iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland.
Warbixintan oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan ayaa sidoo kale lagu sheegay in heshiisyadan cusub ay muujinayaan kalsoonida sii kordhaysa ee lagu qabo mustaqbalka dhaqaalaha Somaliland. Iyada oo falanqeeyayaasha dhaqaalaha caalamiga ah ay arrintan ku tilmaameen tallaabo muhiim ah oo horseedi karta natiijooyin dhaqaale oo wax-ku-ool ah.
“Marka dal ama hay’ad caalami ahi muujiso kalsooni ay ku qabto mustaqbalka dhaqaale ee dal kale, waxay kor u qaadaysaa sumcadda dalkaas, waxayna abuuri kartaa fursado cusub oo ganacsi iyo iskaashi,” ayaa lagu sheegay warbixinta.
Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaantay in faa’iidooyinka laga filayo heshiiskan ay ka mid yihiin xoojinta isgaadhsiinta dijitaalka ah, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, fududaynta isku xidhka suuqyada, yaraynta kharashaadka ganacsiga iyo soo jiidashada maalgelin dheeraad ah. Dhanka kale, taageerada dhinacyada maaliyadda iyo tiknoolajiyadda ayaa la filayaa inay kor u qaaddo hal-abuurka ganacsatada, kobcinta ganacsiyada cusub, isla markaana ay abuurto fursado dhaqaale oo cusub.
Horn & East Africa Review News ayaa warbixinteeda ku soo gabagabaysay in heshiiska maaliyadeed ee Somaliland iyo Taiwan uu yahay fursad muhiim ah oo lagu xoojin karo horumarka dhaqaalaha Somaliland, iyadoo laga filayo inuu taageero maalgelinta, ganacsiga, tiknoolajiyadda, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo.




















