Warbixin: “Madaxweyne Cirro oo caalamka u soo bandhigay fursado maalgashi”
The Jerusalem Post “Somaliland waxay u baahan tahay Hub casri ah iyo Tiknoolajiyad difaac”
Qore Axmed M. Saleebaan
Washington (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland uu si weyn u kordhiyey sumcadda, muuqaalka siyaasadeed iyo dareenka caalamiga ah ee loo hayo Somaliland, isaga oo xusay in magaca Somaliland uu hadda si weyn uga dhex muuqdo warbaahinta caalamiga ah, doodaha siyaasadeed iyo fagaarayaasha diblomaasiyadeed ee dunida.
Sida ay baahisay Wabaahinta The Jerusalem Post, Madaxweyne Cirro oo khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee Wadahadalka Bariga Dhexe iyo Maraykanka (Middle East–America Dialogue, MEAD) oo ka dhacay Washington, ayaa sheegay in Somaliland ay heshay fiiro iyo danayn caalami ah oo ka badan sidii hore, kaddib aqoonsigii Israa’iil. Waxa uu tilmaamay in aad arkayso magaca Somaliland ay si weyn u hadal hayaan warbaahinta caalamiga ah oo ku hadlaysa luuqado tiro badan oo dunida ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hindi, Carabi iyo Shiine.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay muddo 35 sano ah beesha caalamka ka codsanaysay in la dhegeysto, la arko lana fahmo xaaladdeeda siyaasadeed iyo qaddiyadda sharci ee madax-bannaanideeda, balse kadib aqoonsigii Israel isbedel weyni yimid arrintaas, isaga oo xusay in hadda ay muuqato in dunidu si weyn u danaynayso Somaliland.
Madaxweyne Cirro waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland ay leedahay ciidan ku filan oo awood u leh difaaca dalka, balse ay u baahan tahay hub iyo tiknoolajiyad casri ah oo horumarsan si loo xoojiyo awoodda difaaca qaranka. Maadaama sida uu sheegay Madaxweynaha Cirro, ay xiligan gobolka ka jiraan isbeddello dhinaca amniga ah, gaar ahaan tallaabooyinka uu qaaday Turkigu. Waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay doonayso inay xoojiso iskaashiga dhinaca amniga ee ay la leedahay Israa’iil, Maraykanka iyo xulafadeeda kale, si loo helo isu-dheellitirnaan dhinaca amniga iyo awoodda gobolka ah.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddiisu ay wadahadallo la yeelatay saraakiil iyo madax sare oo ka tirsan dawladda Maraykan, waxaanu tilmaamay in wada-xoojoodyadaasi oo ahaa kuwo istaraatiiji ah ay ku saabsanaayeen arrimaha aqoonsiga Somaliland iyo iskaashiga dhinaca amniga, isaga oo muujiyey rajo wanaagsan oo ku saabsan horumarinta xidhiidhka labada dhinac.
Sida ay sheegtay The Jerusalem Post, Madaxweyne Cirro waxa la filayay inuu Washington kula kulmo xubno ka tirsan Congress-ka Maraykanka, oo uu ka mid yahay Senator Ted Cruz, oo ka mid ah siyaasiyiinta Maraykanka ee sida weyn u taageera qadiyadda Somaliland. Senator Cruz ayaa hore ugu baaqay Maraykanka inuu aqoonsado Somaliland, isaga oo ku doodaya in Somaliland ay noqon karto saaxiib muhiim u ah Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda, sidoo kalena laga qiimeeyo muhiimadda istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.
Iskaashi dhaqaale iyo horumarineed
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil aanu ku koobnayn siyaasadda iyo amniga, balse uu sidoo kale diiradda saarayo ganacsiga, maalgashiga, beeraha, tamarta, khayraadka dabiiciga ah iyo tiknoolajiyadda biyaha. Sida uu sheegay, tiknoolajiyadda biyuhu waxay ka mid tahay meelaha mudnaanta la siinayo, maadaama Somaliland ay tahay dhul cimilo ahaan qalalan. Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale xusay in muddadii uu booqashada ku joogay Israa’iil in uu la kulmay ganacsato iyo maalgashadayaal badan oo danaynaya fursadaha ka jira Somaliland, gaar ahaan dhinacyada macdanta, saliidda iyo gaaska, kalluumaysiga iyo xoolaha.
Sida ay sheegtay warbixinta The Jerusalem Post, Madaxweyne Cabdillaahi waxa uu muujiyey in Somaliland ay doonayso in xidhiidhada wax ku oolka ah ee ay la yeelanayso Maraykanka, Israa’iil iyo xulafadeeda kale ay noqdaan kuwo kuwo xoogan oo ka gudba aqoonsiga diblomaasiyadeed, una gudba iskaashi wax-ku-ool ah oo dhinacyada dhaqaalaha, amniga, horumarinta iyo tiknoolajiyadda ah.


















