Qore Faysal Xiise Afgaab
Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamac (Baashe) ayaa si adag ugu digey dadka sida qaldan u isticmaala baraha bulshada, kuna gudbiya aflagaadooyinka gefka ku ah diinta islaamka, dhaqanka suuban iyo shaqsiyada qofka.
Wasiirku waxa uu intaas ku darey in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo ay ku cadaato falalka anshax xumada ah ee lagu faafiyo baraha bulshada, taas oo halis gelin karta nabadgelyada, xasiloonida, lidna ku ah dhaqanka suuban iyo wada jirka bulshada.
Wasiirka ayaa carrabka u adkeeyay in dawladu gacan adag ku qaban doonto cid kasta oo falalka noocaasa ku kacda, loona ilaalinayo bulshada qiyamkeeda diineed, dhaqan iyo cirdigeeda sharafeed.
Waxaanu yidhi “Waxyaabaha baraha bulshada aadka ugu soo batay, sida dhaqan xumada, cayda, aflagaadada ee wax la dhaafayaba aanay jirin ee ilaa xad in Muqadasaadkii warbaahinta lala soo istaagto ay mareyso arrintii, waxaanu u sheegeynaa bulshada arrimahaasi diinta taabanaya ee Muqadasaadkeenu inay dambi yihiin, isla markaana cidda ay ku caddaato sharciga iyo garsoorka maxkamaddaha la horgeyn doono.”
Wasiirku waxa uu waxa uu sheegay in ay dambi tahay cayda iyo aflagaadada lala soo fadhiisto baraha bulshada, isla markaana maxkamadda lagu horgayn doono cid kasta oo ay arrintaasi ku caddaato, waxaanu yidhi “Masuulkasta waxa lagu dhaariyey inuu Diinta ilaalinayo, warbaahintu haddii ay waxwalba soo duubaan danbigii iyaga ayaa yeelanaya, hooyo caygu waa danbi, diin caygu waa danbi, Nebiga iyo Muqadasaadka in la caayaa waa danbi, waa dambe Xeer ilaalinta, Maxkamadaha iyo Garsoorka qofka lagu horgeyn karo, qofkuna waxa uu danbiile noqdaa marka Garsoorku ku cadeeeyo.
Haddii aanu nahay xukuumada iyo wasaaraddii diinta iyo awqaafta ee u xilsaarneyd arrimahaasi shaqadayadana waanu garaneynaa, waajibkayagana waanu garaneynaa, wax waliba wakhtiga ay ku habboon yihiin ayaanu qabsaneynaa”.






















