Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay u kicitimay dalka Ingiriiska.Waxaanu sida qorshuhu yahay magaalada London kaga qaybgali doonaa shir la xidhiidha maalgashiga Somaliland oo ay iskaashanayaan Somaliland iyo Ingiriisku.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinaya, Marwada koowaad Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina Waris), iyo sidoo kale xubno ka mid ah golihiisa Wasiirradda o ay ka mid yihiin wasiirka madaxtooyadda, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Sacad Cali Shire, wasiirkii hore ee ganacsiga Dr. Maxamed C/laahi Cumar.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo madaarka Diyaaradaha Hargeysa warbaahinta kula hadlay oo faahfaahin ka bixiyay u jeedadda socdaalkiisa waxa uu sheegay in uu magaaladda London ee dalka Ingiriiska kaga qaybgelayo shir ganacsi oo la filayo in uu 14-ka bishan halkaasi ka furmo. Waxaanu tilmaamay in shirkaasi uu noqon doono mid ay ka soo bixi doonaan waxyaabo wax tar weyn u yeesha maalgashiga Somaliland.
“Waxaanu maanta (shalay) u amba-baxaynaa aniga iyo weftiga ila socdaaba dalka Ingiriiska, halkaasi oo lanagaga soo marti qaaday in aanu ka qaybgalno shir ku saabsan maalgashiga Somaliland, oo aan rejaynayo in uu wax weyn oo midho-dhal u noqda dalka iyo dadka Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Waxa kale oo uu madaxweyne Axmed Siilaanyo sheegay in ay shirkaasi dawladda Ingiriiska ugu soo bandhigi doonaan kana dhaadhicin doonaan fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland.
Waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aanu ka qaybgalno shirkaa isaga ah, oo aanu ugu soo bandhigi doono dawladda Ingiriiska iyo cida hogaaminaysa, waxyaabaha Somaliland ka suurtogalay iyo baahiyaha dalka iyo wixii maalgashi u noqon kara intaba aanu ka dhaadhicin doono, waxaanan ka rejaynayaa shirkaasi inuu noqdo mid wax tar weyn u yeesha maalgashiga Somaliland iyo in dalkeena la maalgaliyo oo dhaqaalaheena la horumariyo, waxaanan rejaynayaa in shirkaas ay ka qaybgali doonaan dad badan oo wax ka garanaya maalgashiga iyo ganacsato badan, waxaanan rejaynayaa inuu shirkaasi noqdo mid wax tar weyn u noqda dalka iyo dadkaba”.
Dhinaca kale, madaxweyne Siilaanyo oo wax laga waydiiyey in xukuumadiisu ka qayb galayso shir ay abaabulayso dawlada Denmark oo dhawaan loo qabanayo Soomaaliya, ayaa sheegay in aanay Somaliland shirkaasi ka qayb gelayanin, haddii aan gaarkeedda loo soo casuumin.
Waxaanu yidhi “Shirka Denmark iyada oo Somaliland gooni loo soo casuumo mooyee shir aanu kaga qayb galayno anagoo qayb Soomaaliya ka mid ah ma jirto, haddii aanu ka qayb galnana waxaanu kaga qayb galaynaa anagoo Somaliland ah.”
Mar wax laga waydiiyay dhaliilaha dhinaca horumarka gaar ahaana wadooyinka ee ay xisbiyadda mucaaridka ahi u jeediyaan. Xukuumadiisa, waxa uu ku jawaabay “Waddooyinka wax laga qabtay iyo horumarka la qaybtay waxay muujinaysaa inay yihiin wax-qabad, dadka dhaliilayaana waxay ka xun yihiin wixii wanaagsan ee la qabtay, oo waxay oo ka dhimanayaan oo ka ba’aya ayaan u arkaa inay yihiin” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.
Madaxweyne Siilaanyo oo la weydiiyay su’aal la xidhiidhay in doorashooyinka soo socdaa inay dib uga dhici karaan wakhtigooda, ayaa sheegay in doorashooyinku ay ku qabsoomi doonaan wakhtigii loo cayimay waxaanu yidhi “Doorashooyinku xiligooddii ayay dhacayaan wax ka baedelmayaana ma jiraan”.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office