Ganacsade ka tanaaday dheemanta ayaa hadyad ahaan u qaybiyay boqolaal gawaadhi, guryo iyo qalabka la isku qurxiyo isugu jira.
Ganacsadahaasi oo Hindi ah oo ka soo jeeda gobolka Gujarat state ayaa abaalmarin ahaan u siiyay shaqaalihiisii baabuur, jewelery iyo guryo qiimahoodu gaadhayo $8m (£5m) isaga oo sheegay inay ka soo baxeen waabaadkoodii u tilmaanaa.
Taajirkaasi oo la yidhaa Savji Dholakia, waxa uu leeyahay shirkad dhoofisa dheemanta, waxaanu bixiyay 491 gaadhi , 525 qalabka qurxinta ah oo dheeman ah iyo 200 oo guri.
In ka badan 1,200 oo shaqaalihiisa ka mid ah oo ku filiqsan daafaha dunida ayaa ka faa;idaystay abaalmarintaasi.
Shaqaalaha ganacsadahaasi ayaa gaadhaya 7,500 dunida daafaheeda .
Mr Dholakia ayaa la sheegayaa inuu shaqaalihiisa u abaalmarinayay si loofarnimo ah tan iyo 2012, markaasi oo uu siiyay gawaadhi saddex ka mid ah shaqaalihiisa.
Sannadkii hore ayuu sida oo kale waxa uu hadyad u siiyay shaqaalihiisa 72 baabuur.