Hargaysa (Dawan): Wefti balaadhan oo isugu jira Wasiirro iyo Madax sare oo ka socda dawladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa shalay booqasho ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargaysa.
Weftigaasi waxaa garoonka diyaaradaha Hargaysa ee cigaal ku soo dhaweeyay Cigaal xubno ka tirsan golaha Wasiiradda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiirka Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale, wasiirka Duulista iyo Hawada, wasiirka Ganacsiga iyo sidoo kale Qunsulka Safaaradda Itoobiya ee Hargaysa.
Weftigan ka socda Itoobiya oo uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee dawladda federaalka Itoobiya Sufyaan Axmed, waxaa xubno ka ah Wasiiradda Gaadiidka Cirka, Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda ee Itoobiya, Agaasimeyaal iyo saraakiil kale .
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo warbaahinta uga warbixiyay u jeedadda socdaalka weftiga Itoobiya, ayaa sheegay in weftigani ay xukuumadda Somaliland ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin adeegsiga Dekedda Berbera, isticmaalka Korontadda Itoobiya iyo samaynta jidka Tareenka oo mustaqbalka xidhiidhan doona labada dal.
Waxaanu yidhi “Waxaa farxad weyn noo ah haddii aanu nahay Somaliland in aanu ku soo dhawayno garoonka diyaardaha ee magaaladda Hargeysa, weftigan balaadhan ee ka socda dawladda Itoobiya, dawladda Itoobiya oo aanu walaalo nahay, jaar nahay, cilaaqaad fiicana leenahay. aad baanu u soo dhaweynaynaa weftigan.”
Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay weftigan ka wada hadli doonaan.
“Weftigan oo ahmiyadda ugu weyn ee socdaalkoodu ay tahay sidii dhaqaalaha iyo horumarka aanu uga wada hadli lahayn, Waxa hogaaminaya Axmed Sufyaan oo ah wasiirka maaliyadda ee dawladda Itoobiya, Wasiirro kalena way la socdaan. waxa ugu muhiimsan ee aanu ka wada hadli doono waxa ka mid ah isticmaalka Itoobiya ee dekedda Berbera, isticmaalka korontadda Itoobiya iyo jid Tareen oo aanu doonayno in la sameeyo mustaqbalka, wadadda isku xidha Somaliland iyo Itoobiya iyo waxyaabo badan oo ku lug leh horumarka wadankeena ka socda” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.
Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyada ee dawladda federaalka Itoobiya Sufyaan Axmed oo weftiga hogaaminaya ayaa dhiniciisa uga Mahadceliyay masuuliyiinta Somaliland soo dhawaynta fiican ee ay u sameeyeen. Waxaanu wasiirku Somaliland ku amaanay nabadgeliyadda ka jirta iyo sidoo kale hanaanka dawladnimo ee ka tisqaaday.
Sufyaan Axmed, waxa kale oo uu sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay yihiin laba dal oo wadaaga xidhiidh soo jireen ah. waxaanu yidhi “Waxaan idiinka mahad-naqayaa sida diiran ee aad noo soo dhawayseen, waa markii koowaad ee aan imaaddo Hargaysa oo caasimadda Somaliland ah, waxaan idinku amaanayaa nabadgeliyadda ka jirta Somaliland, Hanaanka dawladnimo ee ka tisqaaday, waxaynu nahay laba dal oo wadaaga xidhiidh soo jireen ah.”
Wasiirka Maaliyadda ee dawladda federaalka Itoobiya waxa kale oo uu sheegay in u jeedadda socdaalka ay Somaliland ku yimaadeen uu la xidhiidho xidhiidhka dhaqaale ee ka dhexeeya labadda dal, sida ganacsiga, maalgashiga, wadooyinka iyo isticmaalka itoobiya ee dekadda Berbera.
“Waxaanu halkan (Somaliland) u imid sidii aanu u xoojin lahayn xidhiidhka dhaqaale iyo dhaqan ee ay wadaagaan labadda dal, sida Ganacsiga,Maalgashiga, Awooda Tamarta,Wadooyinka iyo Dekedda Berbera” ayuu yidhi wasiirka maaliyadda ee Itoobiya.
Weftigan ka socda Itoobiya ayaa la filayaa in mudadda ay joogaan Somaliland ay kulamo la yeelan doonaan madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), golaha baarlamaanka iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirradda.
Waa markii ugu horaysay oo wefti miisaankaasi leh oo ka socda dawladda dhexe ee Itoobiya ay booqasho ku yimaadaan Somaliland, Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxay leeyihiin iskaashi dhinacyo badan leh sida amaanka, ganacsiga iyo arrimo kale.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office