Qisooyin: Maskax Badnida Iyo Kalsoonida Nafta

0
446

Nin boqor ah ayaa habeen riyooday. Markii waagii beryay ayaa loogu yeedhay sheekh riyada fasira waxaana uu sheegay inuu ku riyoday isagoo ay ilkihiisu wada daateen. Sheekhii ayaa ku yidhi ma hubta ? haa waan hubaa ayuu yidhi.   Shekhii ayaa yidhdi “ Riyadaadu waxay sheegaysa in ehelkaagu madhan doonaan oo ay horta wada dhiman doonaan. Boqorkii ayaa cadhooday oo yidhi hala xidho. Sheekh labaad ayaa loo yeedhay  markii uu riyadii u sheegay ayuu ku yidhi ma hubtaa haa ayuu yidhi . Sheekhii ayaa ku yidhi isagoo faraxsan maansha Allaha , riyadu waxay sheegaysaa inaad adigu tahay mid ka cimri dheer ehelkiisa.  Boqorkii ayaa farxay oo hadyada siisayay.  Bal u fiirso fasiraadada labad sheikh waa isku mid laakiin sida ay ukala yidhaahdeen ayaa kala duwan.
Ehelkaagu way wada dhimanayaan adiga hortaa = Waxaad tahay mid ka cimri dheer ehelkiisa.
 
Qiso Kale:  Saxaabiga Xudayfa Binu Yaman aya yidhi waxa ii yeedhay Rasuulka Allah (scw) habeenkii Axsaab, waxaana  uu ii diray inaan soo ogaado ciidankii gaashaanbuurta gaalada warkooda. Waxay ahayd haben qabow oo dabayl badan oo qofn aanu garanayn kan agtiisa fadhiya.  Abu- Sufyaan oo ahaa hogaamiyhii ciidanka  qurashta  ayaa ku yidhi ciidankiisa “ Caawa war ayan idiin sheegayaa , qof kasta kan ag fadhiya ha iska hubiyo inuu yahay basaas iyo in kale”.  Xudayfa (rc) aya yidhi anigu markiiba ninkii I ag fadhiyay ayaan kaga horeeyay oo ku bilaabay  waar adigu kumaad ahayd ka dibna isagoo shakisan oo is beri yeelaya ayuu yidhi waxaan ahay in hebel hebel.  Sidaasi ayaan habeenkaasi ku badbaaday hawshaydiina usoo dhamaystay kuna soo noqday Rasuulklka (scw) anigoo nabad qaba una keenay warkii Abu-Sufyaan.
 

Leave a Reply