Bakistan oo Sameynaysa Maxkamado Miletari

0
388

Mar uu ka hadlayey telefishenka qaran ayuu Ra’iisalwasaaraha Pakistan Nawaz Sharif waxa uu sheegay in weerraka lagu qaaday Pashawar uu ahaa mid gilgilay qaranka, loona baahanyahay in la qaado tallaabo culus si  xididada loogu siibo xagjirnimda.
Waxa uu sheegay in markii hore dadka falalkan gaystay ka baxsan jireen ciqaabta, sababtoo ah hanaanka cadaalada oo ah mid aanan xoogganayn.
Maxkamadda miletariga ee la doonayo in la dhiso ayaa waxa qeyb ka noqon doonaan qorshaha looga hortagayo xagjirnimada waxaana ka mid noqon doona talaabooyinkaas in dusha lagala socdo madaariista ama malcamadaha, in laga mamnuuco argigixisada in ay ka soo muuqdaan warbaahinta iyo in laga hor istaago kooxaha la mamnuucay in ay adeegsadaan magacyo cusub..
Talaabooyinkan waxa soo dhoweeyey inta badan dadka reer Pakistan, balse qaar kale ayaa su’aal gelinaya isticmaalka maxkamadaha militariga iyadoo aanay jirin cid madaxbanaan oo dusha kala socon doonta.
Qorshahan waxa ku heshiiyey xisbiyadda siyaasada ee Pakistan.
Pakistan ayaa sara u qaaday howgalada ka dhanka ah argigixisada wixii ka dambeeyey weerarka lagu qaaday iskuulka ku yaalay Pashawar. Waxay xukuumada meesha ka saartay mamnuucidii xukunka dilkii , waxaana wixii wakhigaasi ka dambeeyey la dilay lix nin.
Miletariga ayaa sidoo kale sara u qaaday weerarada ka dhanka ah kooxda Daalibaan,degaanada ay ka taliyaan qaabaa’ilada.
 

Leave a Reply