Xuska Toban guurada Tsunami

0
477

Bulshooyinka ku hareereysan badweynta India ayaa xusaya  sanadguurada tobnaad ee ka soo wareegtay markii ay dhacday mid ka mid ah masiibooyinkii dabiiciga ee ugu xumaa ee soo mara taariikhda dunida.
Masiibadii Tsunami oo ka dhalatay dhulgariir xoog leh oo ka dhacay xeebaha dalka Indonesia waxaa ku dhintay dadka ka dhaw 250 kun oo qof, oo ku kala noolaa 14 dal oo caalamka. Waxaana ku barakacay oo guryahoodii ay ku burbureen dad gaadhaya laba milyan oo qof.
Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa in ilaa 300 ay dhinteen
Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalka ay saameeysay Tsunami, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa ka mid ahaa weriyayaashii ugu horreeyay ee ka soo warrama deegaannada ay ku dhufatay Tsunami ee Soomaaliya.
Waxa uu warbixintan ku eegayaa wixii dhacay toban sano ka hor, isaga oo mar kale la hadlay qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday, oo ka warramaya waxa iska beddelay noloshooda.

Leave a Reply