Nin U Eg Madaxweynihii Jarmalka Waqtigii Xisbiga Naasigu Haystay Ee Hitler Oo Lagu Arkay Dalkaasi Jarmalka

0
387

Nin lagu magcaabo Emin Denovtsa oo da’ahaan gaadhaaya ilaa 49 jir ayaa noqday ninka aan laga garan Karin madaxweynihii hore ee dalkaasi Jarmalka Hitler,kaas oo ka shabaha ama uga eeg meel kasta,isaga oo ugu eg si kastaba,waxaanu ninkani  markasta qaataa buuggii uu qoray Hitler ee lagu magcaabi jiray Mein  Kampf,kaas oo sawiro la gala dadka dalxiise yaasha ah si uu uga helo lacag.
Ninkan ayaa u dhashay dalkaasi Kosovo,isaga oo intii badnayd ku noolaa dalkaasi Jarmalka,waxaanu wadankaasi yimid sannadkii 1998 kii,isaga oo dagaalo lasoo galay wadanka Albania ,waxaanay waqtigaasi dalbanayeen inay ka go’aan wadanka Serbia,waxaanu degay magaalada lagu magcaabo Mytovutsa,isaga oo ku nool lacagta uu ka helo dalxiiseyaasha uu sawirada la gelaayo oo uu ka qaado lacag dhan $100.
Waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kuna faanaayo inuu u eg yahay Hitler,madaama oo uu dagaal la galay wadan uu hore dagaal ula galay Hitler,waxaanu tilmaamay inay isku cadow ahaayeen oo uu mideeyo sidoo kale cadawgaasi marka laga yimaado isu ekaanshaha kale.
Waxa uu ku sheegay waraysi uu siiyey wargeyska lagu magcaabo Denovtsa Serbia News inuu aad ugu faanaayo inuu u eg yahay Hitler,isaga oo sheegay inay lasoo wada dagaalameen cadawga Serbia, waxanaanu isaga ekaanaynaa dhinacyo badan ayuu yidhi ninkaasi.
Waxa kale oo uu tilmaamay in uu buugan u sito madaama oo uu xambaarsan yahay taariikhdii madaxweyne Hitler oo ah ninkay isku sifada yihiin.
Ninkan ayaa hadii uu iska dhigo Hitler dhibaato badan kala kulmi kara ciidamada amaanka dalkaasi,iyada oo lagu dedaalo in aan mar dambe la arag waxyaalo muujinaaya xisbigii Naasiga iyo calaamadihiisii oo aad loo neceb yahay.
 

Leave a Reply