Maxaa aad ka taqaanaa Filimada Budhcad Badeeda Laga Meteley Ee Maraykanka Ah Sannadkan Sii Galbanaaya Ee 201?

0
394

Wadanka Maraykanka ayaa lagu soo bandhigay dhowaan filimada ugu badan ee ka hadlaayey Budhcad Badeedka,taas oo lagu metelay dalkaasi,waxaana halkaasi lagu soo bandhigay dhawr film oo  ahaa kuwii laga soo diyaariyey  Budhcad badeeda .
Waxaanay films-kaasi u kala horeeyeen sidan:-
1: The Wolf of Wall Street:Filimkan ayaa lagu sameeyey dalkaasi Maraykanka ,waana film u badan majaajilo ama qosol,iyada oo la sameeyey lana soo saaray sannadkii 2013 kii,waxaana xalqadihiisii ugu dambeeyey la dhameeyey bilawgii sannadkan sii dhamaanaaya ee 2014 ka.
Film-kan waxa metelay ninka lagu magcaabo Martin Scorsese iyo Leordo Di Caprio ,waxaana xooga lagu saaraayey Film-kan sheekadii Jordan Belfort,taas oo laga qoray dhacdo dhacday qarnigii 19-naad.
2: The Snow Queen:film-kan ayaa ahaa mid galay kaalinta labaad,iyada oo uu ahaa mid aad loo daawaday,gaar ahaana caruurta,waxaanu ka samaysan yahay Film Cartoon-ka aflaanta loo yaqaano,isla film-kan ayaa la sameeyey lana bilaabay sannadkii 2013-kii,iyada oo la dhameeyey sannadkan 2014 dhexdiisii,waana film lagu qurxiyey Walt Disney Studio oo ah xarun si weyn loogu farsameeyo Aflaanta.
Film-kan ayaa ahaa mid ay kasoo baxday lacag badani,isaga oo ka hadlaaya sheeko ku saabsan amiirad geesiyad ah,taas oo tegaysa  dalxiis,iyada oo si hoosena u raadinaysa walaasheed oo la afduubay.
3: RoboCop:film-kan ayaa ah mid lasoo saaray qaybtiisii ugu dambaysay sannadkan 2014 ka,waxaanu ka kooban yahay ilaa 4 qaybood oo kala duwan,waxaana metelidiisa la bilaabay sannadkii 1987 kii,iyada oo qaybta kowaad waqtigaasi lasoo saaray,waxaanu inta badan ka hadlayaa askari Police ah ,kaas oo isaga oo shaqadiisii gudanaaya dhaawac soo gaadhey,kadibna laga maarmi waayey,iyada oo qayb jidhkiisa kamid ahi ay go’day,waxaana lagu rakibay qaybtaasi biro,taas oo u sahashey inuu sii shaqeeyo hawshiisiina sii guto.
Waxaana loogu talo galay in la sameeyo ciidamo badan sidan oo kale ah marka la gaadho sannadka 2028-ka ,taasina waa ajande cusub oo ay dawlada Maraykanku ku doonayso inay ku yarayso dhibaatada ciidamadeeda soo gaadhaaya.
4: Gravity:Film-kan ayaa ah mid aad u soo jiitay dadka ,isaga oo leh animations badan ama habkiisa qurxinta aad looga shaqeeyey,waana mid lagu metelay dayax gacmeed,iyada oo hawada loo baxaayo,halkaasna dagaalo lagula gelaayo kooxo kala duwan,waa film aad dadka Maraykanku ay u xiiseeyeen,iyada oo laga faa’iday lacag badan oo uu soo xereeyey.
Dayax gacmeedkan ayaa marka dambe hawada ku burburaaya,taas oo keenaysa in baadhitaano dheer la galo ugu dambaynta.
5: Hobbit:Film-kan ayaa ah mid uu soo saaray ninka la yidhaahdo Bitter Jackson ,waana mid laga sameeyey qisooyin laga soo min guuriyey bugaag waqti hore la qoray,iyada oo lasoo daayey markii ugu horeysay dhamaadkii sannadkii 2013 ka,waxaana si rasmi ah suuqyada loo soo geliyey sannadkan sii dhamaanaaya ee 2014-ka,isaga  noqday film-kii ugu daawashada badnaa dhinaca Cinema-da ama Silimooyada.
 
 

Leave a Reply