Xukuumadda Iyo Akaadamiga Nabadda Oo Go’aamo ka Gaadhay Sidii Xal Loogu Heli Lahaa Khilaafaadka Dhulka

0
387

Hargeysa (Dawan)- Wasiirro ka tirsan xukuumadda, Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka iyo hay’adda UN-HABITAT, ayaa isla qaatay in si midaysan looga wada shaqeeyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka dhasha arrimaha dhulka ee degaannada Somaliland.
 
Warsaxaafadeed ka soo baxay Akadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland, ayaa lagu sheegay in kulan ka dhacay xaruntooda maalintii Arbacadii la soo dhaafay layskula qaatay in dib-u-eegis lagu sameeyo xeerarka lagu maamulo arrimaha dhulka, loona diyaariyo siyaasad guud oo hagta maamulka dhulka.
“Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland oo in muddo ah shaqeynayey arrimaha dhulka, ayaa cilmi-baadhis ka sameeyey gobollada iyo degmooyinka Somaliland, taasoo lagu ogaaday; in la sameeyo siyaasad guud oo qaran oo hagta maamulka dhulka (National Land Management Policy), dib-u-eegis lagu sameeyo xeerarka lagu maamulo dhulka (Revising Land-related Law and regulations) iyo fulinta shuruucda oo iyaduna loo baahan yahay in la xoojiyo, isla markaana kor loo qaado (Implementation and Enforcement Laws).
Iyadoo laga duulayo fulinta Digreetadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo saaray ee ku taariikhaynayd JSL/M/WM/222-2689/092014, ayaa shir arrimahaas lagaga hadlayo waxa isugu yimi wasaaradaha ay khusayso oo ugu horreyso; Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasaaradda Deegaanka, Wasaaradda Xoolaha, Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Macdanta iyo Tamar, Wasaaradda Biyaha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddi-hoosaadka Khayraadka Dabiciiga ee Golaha Wakiillada iyo UN-HABITAT, ayaa shalay (maalintii Arbacada) lagu qabtay xarunta guud Akaademiga Nabadda iyo Horumarka uu ku leeyahay magaalada Hargeysa.
Ugu horreyn, waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland Md. Maxamed Faarax Xirsi oo sharraxaad ka bixiyey waxyaabihii ka soo baxay cilmi-baadhista, looguna gudbi lahaa sidii si rasmi ah wax looga qaban lahaa arrimaha ay khusayso dhulka oo ay ugu horreyso in la sameeyo siyaasad guud oo qaran oo hagta maamulka dhulka (National Land Management Policy), dib-u-eegis lagu sameeyo xeerarka lagu maamulo Dhulka (Revising Land-related Laws and regulations) iyo fulinta shuruucda oo iyaduna loo baahan yahay in la xoojiyo, isla markaana kor loo qaado (Implementation and Enforcement Laws).
Sidoo kale, waxa kulankaas iyaguna ka hadlay Wasiirka Degaanka, Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka cusub ee Beeraha, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud, Agaasimaha Biyaha, Wasiirka Xannaannada Xoolaha, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Khayraadka Dabiciiga ee Golaha Wakiillada iyo UN-HABITAT oo dhammaantood soo bandhigay ahmiyadda uu leeyahay shirkani, waxaanay isla garteen arrimaha hoos ku xusan.
Iyadoo laga duulayo fulinta digraeetada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee lambarkeedu yahay JSL/M/WM/222-2689/092014, in dhammaan wasaaradaha ay khuseyso inay u guntadaan fulinta Digreetada Madaxweynaha sidii xal waara looga gaadhi lahaa mashaakilaadka dhulka.
Waxa kaloo la isla qaatay in wasiirrada wasaaradaha kor ku xusan oo ay hormood ka tahay Wasaaradda Hawlaha Guud inay si joogta uga shaqeeyaan arrimaha dhulka, isla markaana laga shaqeysiiyo Guddida Farsamo ee ka kala socda wasaaradaha, Akaademiga Nabadda iyo Horumarku uu u noqdo Xoghayn (Secretariat Role).
Waxa kale oo la isla gartay shir ku saabsan arrimaha dhulka oo uu qabanqaabinayey Akaademiga Nabadda iyo Horumarka oo lagu qabanayo Burco laga wada qeybqaato sidii xal waara looga gaadhi lahaa mushkiladaha dhulka.
Ugu dambayn, waxa lagu dhiirrigeliyay dhammaan hay’adaha waddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee hawshan oo kale isu xil-qaamay inay ka qaybqaataan wax-ku-biirinta maamulka arrimaha dhulka,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Akadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply