Boorame(Dawan): Tv-ga Qaranka,ayaa xalay barnaamijyadiisa si toos ah looga baahinayay xarunta TV-ga Qaranku uu ku yeelanayo magaaladaBoorame ee Xarunta Gobolka Awdal.
Xarunta TV-ga Qaranka ee magaalada Boorame oo aad loo qalabeeyay ayaa xalay laga baahinayay barnaamijyo toos ah oo ka baxayay TV-ga Qaranka iyadoo ay ku sugnaayeen Xarunta Boorame looga furayo TV-g Qaranka farsamayaqaanada TV-ga Qaranka.
Waxaa kale oo saaka Xarunta TV-ga Qaranka si rasmi ah u furaya Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi galinta Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) oo wefti uu hoggaamiyanaa ku sugan yahay magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal.
dhinaca kale wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo Wacyi galinta Somaliland oo uu wheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir oo shalay socdaal shaqo ku yimi magaalada Boorame,ayaa kulamo kala duwan waxay la yeesheen Masuuliyiinta heer gobo iyo degmo ee gobolka Awdal iyo magaalada Boorame waxaanay ka wada hadleen masuuliyiintu sida ay u socdaan hawlaha shaqo ee Qaranka loo hayo iyo sidii loo sii dar dar galin lahaa habsami u socodka shaqo maalmeedka Qaranka.
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office