Hillary Clinton oo ahayd wasiirkii hore ee arrimaha dibada Maraykanka ayaa doonaysa in ay u tartanto madaxweynenimada Maraykanka , sidaasna waxa sheegay warar ay faafiyeen warbaahin kala duwan oo Ameerikaan ahi.
Mrs Clinton oo sida oo kale mar ahayd marwada koowaad ee Maraykanka xilligii madaxweyne Bill Clunton ayaa la filayaa in ay kaga dhawaaqdo warbaahinta bulshada damaceeda musharaxnimo maalinta Axadda.
Haweenaydan 67 jirka ah ayaa u socdaali doonta bilowgaba gobollada Iowa iyo New Hampshire, halkaasi oo ay ka bilaabmayaan tartanada u horeeya sannadka 2016.
Hilarry Clinton oo ahayd xaaskii madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton ayaa hore ugu tartantay madaxweynenimo sannadkii 2008, waxaana horeba loogu taixgeliyay in ay tahay tartame adag oo ka soo baxaya magacaabida xisbiga dimoqraadiga ah.