Hargeysa (Dawan)- Wasiirka qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in macluumaadkii tiro koob ay dawladda Somaliland iyo UNFPA ay wada sameeyeen sannadkii 2013-kii ay Ha’yadaasi xogtii Somaliland u gudbisay Soomaaliya, taasi oo uu sheegay inay dhaawacayso wada shaqayntii ka dhaxaysay iyaga iyo ha’yadaas.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu Wasiirku shalay soo saaray oo u qornaa sidan:-“Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee UNFPA, ayaa iska kaashaday sahan loogu kuurgelaayo tirada dadka ku nool Somaliland sannadkii 2013. Dadkeenna in aynu tiradiisa iyo noloshiisaba xog ka helnaa waa muhiim, waxaynu u baahan nahay in aynu ogaano tirada dadka degmo kasta iyo gobol kastaba ku nool si aynu adeegyada bulsho sida Tacliinta iyo Caafimaadka ugu qorshayno.Sahanku wuxuu ka dhacay gobollada Somaliland oo dhan iyo deegamadiisa laga soo bilaabo Saylac – Dhahar ilaa Buuhoodle.
Cid Soomaaliya ka socota oo xog-ururinta Somaliland laga sameeyey ka qayb gashay ma jirto. Xogta la ururiyey iyo natiijada ka soo baxday waxa iska leh Somaliland cid kale oo sheegan kartaa ma jirto, ciddii sheegatana sheegashadeeda waxba kama jiraan.
Somaliland iyo hay’adda UNFPA waxay ku heshiiyeen in warbixin gaar ah oo koobaysa tiro-koobka Somaliland ay soo saarto, waanay fulisay.
Waxase nasiib-darro ah oo aannu aad uga xun nahay in hay’adda UNFPA xogtii Somaliland ay siisay Soomaaliya, kalana qayb gashay xaflad ay Soomaaliya ku sheeganayso natiijadii tiro-koobka Somaliand. Arrintaasi waxay saamaynaysaa wada shaqayntii Somaliland iyo hay’adda.”
Sidoo kalena, Wasiir Sacad oo isla shalay wargeyska DAWAN, wax ka weydiiyay mawduucan, waxa uu yidhi “Horta wax tiro-koob ah oo ay samaysay dawladda Xamar ma jirto laba dal ayaynu kala nahay oo Somaliland iyo Soomaaliya ayaynu kala nahay, laakiin dalkeenna oo dhan ayay iska sheegtaan nimankaa Xamar jooga ee aan meelna ka talinin qofkuna wuxuu doono ayuu iska odhanayaa marka uu xaqiiqda is diidsiinayo sheegashada tirakoobkuna waxay ka mid tahay uun hadaladii ay iska odhan jireen,laakiin waxaa jira tirakoob qaran oo aynu dalkeenna ka samaynay oo lagu tiro-koobay Somaliland oo dhan kaasoo ay xukuumaddu fulisay nagana caawisay hay,addaUNFPA.”ayuu yidhi Wasiirku waxaanu intaa raaciyay isagoo ka hadlaya tirakoobka Somaliland laga sameeyay goorta la soo bandhigayo iyo sababta UNFPA tirakoobkii ay wasaarada qorshaynta Somaliland wada sameeyeen ay qaybo ka mid ah Xamar ugu soo bandhigtay. “Ha’yadaha qarramada midoobay ee inala shaqeeyaa Soomaaliyana way ka shaqeeyaan markaa tirakoobka aynu dalkeenna ka samaynay waxaa naga caawinaysay UNFPA sidoo kale waxay tirakoobyo ka samaysay Soomaaliya oo ay kala ah koonfur iyo Puntland dhibaatada jirtaana waxay tahay ha’yaduhu waxay inoola shaqeeyaan Soomaaliya qayb ka mid ah sababtoo ah caalamku inama aqoonsana markaa taasaa sababtay ayaan filayaa in xogta tirakoobkii ay naga caawinaysay UNFPA in ay qaybo ka mid ah ku soo bandhigto Muqdisho laakiin waanu kala hadlaynaa si cadna waxaanu uga doonaynaa jawaab cad in ayka bixiso.
Waxaa kale oo aanu si dhakhso ah u soo bandhigaynaa tiro-koobkii guud ee aanu ka qaadnay guud ahaan gobollada Somaliland oo illaa degmo degmo ku salaysan taasoo ka turjumaysa xaqiiqada tiro-koobkeenna qaran ee dawladdu samaysay oo lixda gobolba laga qaaday.” Waxaannu intaa ku daray Dr Sacad isagoo hadalkiisa sii wata “Xaqiiqaduwaxay tahay dalkani waa Somaliland, dadkiisuna waa Somaliland hadal Xamar laga yidhina maaha mid innagu cusub in ay dalkeenna ku sheegtaan. laakiin iswaydiintu waxay tahay horta maamulka Muqdisho lagu waardiyeeyaa tiro-koob ma samayn karaa.”
By: Faysal Xiis Weerar
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka Xukuumadda Somaliland Oo Ha’yadda UNFPA Ku Eedaysay In Tiro-koob ay wada Sameeyeen...