Computerka Lap_Topka Oo Cuntada Lagu Karsan Karo

0
315

Computerka Lap_Top ayaa noqon doona maalin aan fogayn madbakh wareega. Farsamadan ayaa loo sameeyay inuu qofku heli karo Madbakh uu qaadan karo. Waxaana arintan ay u ogaalanaysa ardayda ama qof degan qol keligii inuu si dhib yar  u diyaarsado raashinkiisa.
Maaha inaad nambaro qorayso oo uu sidaasi diyaar kuugu ahaanayo raashinkaagu , ee waad karinaysaa isagoo ay diyaar ku tahay qaybta girgirah ahi.
Qalabka electronics ayaa laga ilaaliyaa baruurta iyo dufanka taasi oo ay Jikadu caan ku tahay, haddaba waxa yaab ku noqotay dad badan sida loo midaynayo labadan arimood ee is diidan. Waxaa la adeegsanayaa kulaylka cunto kariyaha u ogolaanaya inuu diyaarsado cuntada uu iskii u rabo.
Fikradda Madbakha guurguura Maaha mid farsamo waali ah waa farsamo la is waafajin doono kulaylka madbakhu u baahan yahay iyo qabowga Computerku u baahan yahay. Dad badan ayaa weli la yaaban fikradan, laakiin  mar kasta oo wax cusub soo baxayaan waxa jira dad beeniya, kuwaasi oo ka dhiga waxaan dhici Karin.  Hindisahan cusub  ayay sabab u tahay shirkadaha suuqa ganacsi ku baratamaya, kuwaasi oo doonaya inay dadka keligood guryaha ku jira, iyo kuwa caajiska ah ay ka faa’iidaystaan si uu kor ugu kaco baahida loo qabo laptop girgire ah.
 

Leave a Reply