Farxaddii Ayaa Markiiba Isu Bedeshay Naxdin iyo Qosol

0
332

Markii ay sallaanka soo kortay kuna soo dhowayda Microfoonka ayay siyaasiyiintii ka soo qayb gashay sacab iyo faraxd aan kala go’ lahayn ku soo dhoweeyeen, kuwaasi oo aragtideeda xiiso u qabay aadna ay isu garanayeen. Wakhtigaasi ayay salaantay xubnihii shirka ka soo qayb galay. Waxay ka dhugatay wejiyadooda muddo hal daqiiqad ah. Ka dib waxay bilowday inay si hagar la’aan ah u yeedhiso magacayda siyaasiyiinta fadhiyay oo ay weliba u raacinaysay tilmaan farta ah halka uu fadhiyo. Waxaana ay tidhi:” “Runtii Erayadaydu ma khuseeyaan siyaasiyiinta oo dhan, dabcan waxa jira siyaasiin daacad ah, laakiin nasiib daro way tiro yar yihiin, kuwa halkan fadhiya ee nabada dunida ka hadlayaa waa sharwadayaal badankoodu”
Sally waxa laga yaaba inay doonaysay inay muujiso wejiga xun ee siyaasadda, waxayna si lama ah filaan u timi shirkii Qaramada Midoobay sanadkii 1967 oo lagaga hadlayay nabadda dunida, kana soo qayb galeen madaxda siyaasadda ee dunida sida Edward Kenedy oo ay walaalo ahaayeen madaxweynenihii hore Maraykanka.
Daqiiqado gudahood ayuu shirku isu bedelay mid qaylo, sawaxan iyo naxdin iyo qosolba hadheeyeen. Siyaasiyiinta isugu yimi ayaa badankoodu garanayay Islaanta Sally Stanford. Waxay ahayd gabadhii lagu asaasay gurigeeda Ururka Qaramad Midoobay, waxayna wakhtigaas ahayd gabadh jidhkeeda ka ganacsata. Laakiin markii danbe waxay u wareegtay dhinaca  siyaasadda iyadoo noqotay 1972 maayarkii magaalada Sausalito ee Californiya. Dadka ayaa aad u jeclaa waxayna u samaysay ceel ay biyaha ka cabaan oo bilaash. Sally waxay dhimatay sandakii 1985 markii uu wadnuhu istaagay iyadoo ku jirta dhakhtraka Marin General Hospital, da’deeduna waxaya hayd 78 sano.
 

Leave a Reply