Shirkada Diyaaradaha Ee Malaysia Airline Ayaa Ku Dhawaaqday Inay Kacday

0
337

Shirkadda Malaysia Airlines ayaa ku dhawaaqday inay kacday oo dhaqaale xumo ku dhacday, kadib markii sanadkii hore ay labo jeer soo dhacday diyaaradaheeda. Madaxa Shirkadda ayaa ku dhawaaqay inay shaqada ka ceydhinayaan ilaa lix kun oo shaqaale ah kuwaas oo noqonaaya saddex meelood labo meelood shaqaalaha guud ee sharkada.
Shirkadda ayaa shaqaalaheeda ku soo koobi doonto 14 kun shaqaale, halka markii hore ay ka ahaayeen 20-kun.
Ku dhawaaqitaankan ayaa ka dambeeyay, kadib labo jeer oo diyaarada Malaysia Airways bur burtay. Taas oo khasaare aad u weyn soo gaadhsiisay dhaqaalihii sharkada.
“Waxaa faramo ahaan noqonay kuwo musalafay”ayuu yiri Mr Mueller oo shir jaraa’d qabtay, waxaana uu intaa ku daray in dhibaatadan ay soo socotay ka hor dhacdooyinkii dhacay sanadkii 2014.
Bishii March ee sanadkii hore ayaa diyaarad Malaysia Airlines duulimaadkeedii MH370 la waayay, iyadoo ay la socdeen 239 rakaab iyo shaqaalahooda, walina diyaarada waa la la’yahay raqdeeda.
Afar bilood kadib ayaa duulimaadkii diyaaradaas ee MH17 waxaa gantaal lidka diyaaradaha ku riday Mucaaradka Ukraine, xilli ay mareysay hawada Ukraine.
Dhacdooyinkan is xig xigay ayaa usabab noqday inay sharkadu ku dhawaaqdo inay kacday.
 
 

Leave a Reply