Waxay kuwada noolaayeen iyada wiil yar oo ay dhashay makhsin yar oo aan la hayn saqaf sare. Haddaba Maalin ayuu roob soo da’ay, weli wiilka yari ma arag roob sidan u badan. Markii uu aad usii batay ayay hooyadi albaabkii guriga soo saartay oo ay wiilkeeda yar hoosta ka galeen.
Wiilka yar ayaa markii uu roobka qaaday hooyadii ku yidhi “ hooyo dadka faqiirka ee aan lahayn albaab xagee ayay roobka ka galaan ? Wiilka yari aad ayuu u caqli wanagaasan yahay, maxaa yeelay wuxu dareemayaa inay jiraan kuwo ka hooseeya.