Dawladda Dunida Ugu Amaanka Wanaagsan

0
286

Machadka dhaqaalaha iyo amaanka ee dunida ayaa sanadkan soo saaray dawladaha dunida ugu dhqaalaha iyo  amaanka fiican. Waxaana la qiimeeyay xidhiidhka ay la leeyihiin dalalka la jaarka ah, dagaalo iyo xadgudbyo in aanay ka jirin, iyo heerka denbiyada ka dhac ee jeelka lagu galo. Waxa kale oo qiyaas lagu sameeyay ahmiyadda ay siiyaan amniga iyo tacliinta. Dawladda Island ayaa noqotay dawladda ugu horaysay sanadkan. Waa tan ugu yar dunida denbiyad ka dhac ee jeelasha ku xidhan. Waxa kale oo ay noqotay dal tacliintu kor u kacday iyo akhrisku uu gaadhay heer sare.
Jamhuuriyadda Island waa dawlad jasiirado ku yaalla badaweynta Atlantiga, ee waqooyiga Yurub. Tirada dadkeedu waa 320 kun qof, ballaca dhulkeeduna waa 103 kun Km2.
Caasiameedu waa Rikyafik waan ta ugu weyn jasiiradah waxaana ku nool dadkeead 1/3 . Dhinac dhaqaalaha waa dal aad u sareeya iyadoo GPI  (‘Genuine Progress Indicator) horumar tilmaamaha runta ah ee loo adeegsado koritaanka dhaqaale ee dalka ayaa lagu qiyaasay sanadkan 1.189, waana dhaqaalihiisu korayo. GPI ayaa marka uu kordho qiyaasta waxa soo saarka guud ee dalka GPD (‘Gross Domestic Product).

Leave a Reply