Sigaarka Ayaa Ka Masuul Ah In Dadka 50% Ay U Dhintaan 12 Nooc Oo Cancer-ka Ah

0
279

Daraasad cusub oo dhowaan lasoo bandhigay ayaa muujisay in in sigaarku masuul ka ahaa qayb kamid ah dadkii dhintay sannadkii 2011 kii,kuwaas oo u dhintay xanuunka Cancer-ka noocyadiisa kala duwan.
Daraasadan oo lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo Gamma Anturnal Midesan ayaa sheegtay in 48.5% dad gaadhaaya tiro ahaan 346,000 inay u dhinteen mid kamid ah 12 xanuun ee Cancer-ka loo yaqaano,kaas oo ku faafay da’da dadkaasi markay ahayd 35 sanno,kaas oo uu sababay sigaarku.
Waxaamau khubaradani sheegeen inay heleen in xaddiga ugu sareeya ee dadka u dhintay xanuunkaasi Cancer-ku ay u dhinteen nooca loo yaqaano Lung Cancer ama Cancer ka sambabada ku dhaca 74.9%,halka  1.7% kamid ahina ay u dhinteen Cancer-ka cunaha iyo laabta.
Waxaanay daraasadani muujinaysaa in cabitaanka Sigaarku masuul ka yahay dhimashada kala badh dadkaasi dhintay,sidoo kalena uu keeno Cancer-ka ku dhaca afka  iyo dhuunta,sidaasna waxay sheegeen khubaradani inay ku xaqiijiyeen baadhitaano ay daba galeen oo ay sameeyeen ururka lagu magcaabo American Cancer Society iyo mid kamid ah dadka wadey daraasadani.
Daraasadan ayaa lagu sheegay in shan qarni oo la waday olole ku saabsan joojinta Sigaarka la ogaadey in sigaarku sababo noocyo badan oo Cancer-ka kamid ah,iyaga oo sheegay inay sii wadayaan daraasadaha noocan ah si loo joojiyo dhimashada uu xanuunkaasi keenaayo.
Sida lagu sheegay warbixin dawlada Maraykanku soo saartay dhowaan ,waxay sheegtay in in ka badan 20 million oo American ahi u dhintaan cabitaanka Sigaarka,sidoo kalena inay intaas in ka badani u dhinteen 50 sanno ee ugu dambeeyey.
Waxaanay sheegeen in ay weli cabaan dad lagu qiyaasay 443,000,iyada oo la wado dedaalo la doonaayo in lagu joojiyo cabitaanka Sigaarkaasi,waxaanay intaasi ku dareen in sannadkii 1964 kii ay bulshada Maraykan cabi jireen 42%,halka ay maanta oo wacyi gelin la sameeyeyna ay cabaan 18% bulshada kamid ahi.
 
 
 
 
 

Leave a Reply