Dhismaha Dal Iyo Dawlad Cusub Oo Laga Samaynayo Yurub

0
319

Mr. Wit Jeddleka oo ka tirsanaa xubnaha xisbiyada dalka Check Republic ayaa ku dhawaaqay inuu ka samayn doono dal iyo dawlad cusub aagga aan la deganayn ee u dhexeeya Serbiya iyo Corweshiya.   Siyaasigan ayaa sheegay inuu u bixiyay magaca dalkiisa magaca Liberland.
Mr. Wit ayaa sheegay inuu isagu yahay madaxweynaha dalka iyo dawlada cusub oo ka asaasmaysa webiga Danub. Dhulka ay dawladani ku fadhido ayaa ah qiyaas dhan 7 km2. 
Siyaasigan ayaa u sameeyay halkudhigyo xikmadaysan oo uu ka mid yahay “Live and let Others Live”, oo ah noolow dadkana u ogolow inay noolaadaan.  Siyaasigan ayaa sheegay in dadka doonaya inay ku nolaadaan dalkan cusub ay usoo gudbiyaan dalabyadooda, iyadoo la sheegay in ilaa wakhtigan u helay 20 kun oo dalab oo doonaya inay ku nolaadaan jamhuuriyada liberland, kuwasi oo ay ka mid yihiin hantiilayaal  doonaya inay maalgashadaan. Mr.Wit oo u waramayay Wargeyska Times ayaa sheegay in dadkiisa aanu wakhtigan lagu soo rogi doonin wax cashuur, waxaana uu sheegay inuu dhakhso ugu samayn doono dastuur kana fakerayo sidii uu samayn lahaa ciidan amaanka qaabislan. Mr.Wit ayaa intaasi ku daray inuu bilaabi doono sidii uu ictiraaf ugu heli lahaa dawladiisa, inkasta oo ay jirto cadhada dalalka jaarka ah, haddana wax kasta waxaan isku deyayna in aanu ku dhamanyo wadahadal ayuu ku soo koobay markii u warmayay wargeyka Times.

Leave a Reply