Waxay Xusuusatay Badbaadintii Geesinimada lahayd

0
348

Dab demiyaha Mike Houges ayaa bogaga hore ee wargeysyada Maraykanka ka wada sawiraa subixii hore sanadkii 1998. Ninkan oo ah kooxda dab demiska ka tirsanaa  ayaa galay guri ku yaallay magaalada Waashington oo dab ka holcayay si uu badbaadiyo ilme yar oo 9 bilood jirtay oo lagaga cararay dabka iyadoo ku jiifta sariirteeda oo taallay badhtamaha qolka  ololayay.
Odayga Mike ma ilaabin qisadaasi naf hurida ah oo ay ku dhici waayeen kooxda dab demiska inteedii kale. Laakiin markii uu dhowaan shaqada ka fadhiistay ayuu sheekada ku qoray Face book, waxaana akhriday gabadhii uu badbaadiyay una soo jawaabtay.
Gabadha ayaa ku martiqaaday inuu kala soo qayb galo xaflada qalinjebinteeda oo bishii May dhacday. Muuqaal Video ah oo markii ay qalinjebisay laga duubay ayay iyadoo ilmanays ku tidhi “ Ma ilaabi doono Mike, haddii aanu sidaasi yeelin arinku wuxu ku dhamaan lahaa meel xun” , gabadhan oo lagu magacaabo Donyil Davezon ayaa  wakhtigaasi gacanta ku haysay wargeysyadii maalintaasi soo baxay oo uu ku sawiran yahay Mike oo ilmaha yar gacanta ku sida, markii uu ka soo badbaadiyay dabkii.

Leave a Reply