Shirkadda Amazon Oo Soo Saartay Games-keedii Ugu Horeeyey Sannadkan

0
273

Shirkadda Amazon ayaa soo saartay sannadkan Games keedii ugu horeeyey ee ay soo saarto,iyada oo soo gelin doonta suuqyada ganacsiga sannadkan,waxaanu noqonayaa mid loogu talo galay dhalinyaraddu inay ku ciyaaraan ama si ganacsi ahaana u isticmaalaan,sida uu sheegay ninka dhinaca samaynta Games kan u qaabilsan oo lagu magcaabo Jim Stdioz.
Waxaanu sheegay inay dalbadeen in lasoo saaro laba nooc oo hordhac noqon doona waqigan,kuwaas oo kala ah nooc lagu ciyaaraayo Computers-ka iyo sidoo kalena Videos ka intaba,iyada oo la wado in lasoo saaro qaybo cusub oo lagu ciyaari doono Mobiles ka oo marka kuwan la dhameeyo lasoo saari doono sida uu masuulkaasi sheegay.
Masuuliyiinta ayaan warbixin dheeraada aan bixin,iyaga oo sheegay inay soo bandhigi doonaan wixii macluumaad ah marka ay hawshu wada dhamaato,waxaanay sheegeen in Games kan iyo kuwo kale oo lasoo wadaa inay yihiin waxyaalaha mustaqbalka u qorshaysan shirkadda.
Games kan ayay shirkadda kasoo gashaa lacag aad u tiro badani,taas oo gaadha qiyaas ahaan $970 Million oo lacagta Maraykanka ah,taas oo ah mid ay ku xidhan tahay miisaaniyadeeda ugu badani marka laga yimaado,waxaana ka caawinaaya shirkaddo waaweyn.
 
 

Leave a Reply