Hargeysa(Dawan): Dhisme Fooq ah oo shirkadda ganacsiga ee Oomaar ka dhisanayso ka soo hor jeedka dhismihii hore ee Wadaaradda Duulista Hawada, isla markaana dhanka waqooyi kaga beegan taalada Kaaraha ee is-goyska baar Hargeysa, oo uu dhismihiisu muddo dhawr bilood ah socday dhibaato weyn ku keentay isku socodkii jidkaasi oo ah mid hal-bawle ah.
Waxaanay ku xidhatay waddo muhiim ah oo isku xidha jidka wadnaha caasimadda iyo wadada Togdheer illaa Idaacadda iyadoo shirkaddu wadada ku rogatay dhawr lawdh oo jay iyo ciid ah isla markaana laamiga dusheeda ku shubatay jaygii wax lagu dhisayay.
Wadada ay xanibtay shirkaddu oo ah ta hor marta garoonka kubadda kolayga ee TIMACADDE oo ay isaga gudbaan gaadiid aad u tiro badan ayaa sababay in gaadiidkii wadadaa isaga gudbi lahaa in ay halkaa ku xanibmaan isla markaana ay waayaan meel ay ka gudbaan iyadoo xalayna uu wadada sii gooyay wii loo adeegsanayay shubka sare ee Fooqa oo uu gaadhsiinayay sibidhka.
Mid ka mid ah dadka gaadiidka watay ee wadadaa ku xanibmay oo aanu xalay kula kulanay xilli ay baabuur badani halkaa ku xanibantay oo ay waayeen meel ay ka gudbaan,ayaa isagoo sida uu u arko wadada shirkadda Oomaar u xidhatay fooqa ay dhisanayso waxa uu yidhi. “Ma garanayo caqliga odhanaya Jay iyo Sibidh wadada dhigo iyo sababta wax looga qaban waayay, imika waa kaasoo Oomaar Waddo ayuu xidhay ee yaa odhanaya Oomaar waxaad samaysay waa qalad oo sharci darro ayaad samaysay.”ayuu yidhi ninkaa ka midka ahaa dadka gaadiidka watay ee jidkaa ganacsaduhu xidhay ku xanibnaa xalay.
Su’aasha is waydiinta mudan waxay tahay, maxay arrintani dawladda hoose tallaabo uga qaadi wayday markay ganacsatada waaweynu ku xad gudbaan waddooyinka ee ay jid halbawle ah u xidhaan dhisme ay fooqyo ka taagayaan halka Dawladda hoose ay maalin kasta jidadka laabta kaga daadiso ganacsatada yoomiye eryadka ah ee waddooyinka hareeraheeda ku ganacsada Keeriyooneyaasha ee ay eriga ugu dhammayso maalin kasta iyo siday u ugaadhsanayso.
Waxay dadkii xalay wadadan ku xanibnaa aad isu waydiinayeen miyaanu sharcigu qabanayn maalqabeenada waawayn eek u xadgudba waddooyinka mise waabu dhisan karaa.?
Hadaba waxaa looga fadhiyaa dawladda hoose in ay tallaabo ka qaado ganacsadaha wadada xidhay iyo mis kasta oo sidaasoo kale yeela oo xaniba waddo la maro.
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office